Shacabka Degmada Balanballe oo ku dhawaaqay in aysan hoos tegin Maamulka Qabuura Galeenka ee Gobalka G/gaduud

Khilaafkii u dhexeeya Maleeshiyada Qabuura galeenka Gobalka G/gaduud ayaa markii ugu horaysay soo shaac baxay kadib markii madaxda degmada Balanballe ay ku dhawaaqeen in aysan hoos tegi doonin maamulka Qabuura galeenka ah ee G/gaduud meelo kamid ah kajira.

 

Shacabka ku dhaqan degmada Balanballe ayaa qaab beeleed ugasoo horjeestay in ay la midoobaan maamulada ay Qabuura galeenka Mushrikiinta ah ka dhiseen degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel waxaa kale oo shaki ku jira xaalada degmada C/waaq oo iyana ka gadoodsan Maamulka Maleeshiyada Ahlusuna lamagac baxday ee Itoobiya ku xiran.

Gudoomiyaha degmada Balanballe Hareeri Xasan Barre ayaa markii ugu horaysay sheegay in ay ka bexeen Maamulka Qabuura galeenka isagoona sheegay in shacabka degmadaasi degan ay iska diideen ka mid ahaashiyaha Ururka Ahlusuna isku magacaabay oo uu ku eedeeyay caburin iyo kala qoqob ay ku hayaan shucuubta degto gobalka G/gaduud.

Hareeri wuxuu sheegay in dhawaan ay Balanballe yimideen wafdi ka socday Dhuusamareeb oo doonayay in ay Balanlaballe maamul u sameeyaan balse dib uga laabtay degmada iyagoo fara maran ” shacabka degmada Balanballe way iska diideen in ay hoos tagaan maamulka Kooxda Ahlusuna waxaana u sheegnay in aan nahay maamul madax banaan oo aan dagaal lageli doonin kooxo kale”ayuu yiri Hareeri Xasan Barre.

Mas’uulkan u hadlay shacabka Balanalle ayaa sheegay in ay dacwad ka dhan ah qabuura galeenka u gudbiyeen Saraakiisha Tikreega oo ku sugan meel aan Balanballe ka fogayn islamarkaan ay u sheegeen in ay yihiin kuwa madax banaan taas oo cadayn u ah in Tikreegu ay wax u meeriyaan Qabuura Galeenka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in shacabka Balanballe ay diidanyihiin in dhalinyaradooda ciidan ay u qortaan Maleeshiyada Qabuura Galeenka kadibna ay ku le’daan dagaalada ay lagalaan Mujaahidiinta sidii ku dhacday qoysas reer C/waaq iyo Xeraale ah oo ku ilma beelay dagaallo ay Qabuure galeenku ku qaadeen Warxoollo iyo Wabxo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: