Mujaahidiinta Gobalka Hiiraan oo Xukuno Tacziir ah ku fuliyey dhalinyaro daawanayay Filimo xun xun.

Maxkamada Islaamiga Xaraakda Shabaabul Mujaahidiin ee magaalada B/weyne ayaa xukunkii ugu horeeyey oo islaami ah ka fulisey magaaladaasi B/weyne Gobalka Hiiraan waqti ay Mujaahidiinta gobalka Hiiraan gacanta ku hayaan dhamaan degmooyinka gobalka.

Fagaare ku yaala magaalada B/weyne ayaa shalay xukun Tacziir ah lagu fuliyey wiil dhalinyara ah oo lasoo qabtay isagoo Mobile-kiisa Gacan qaadka ah ka daawanaya Filimaanta xun xun ee daawashadeedyo ay xaaraantimaysay shareecada Islaamka.

Qaadiga Maxkamadda islaamiga B/weyne Macalin Bishaar ayaa sheegay in Xukunka ay fuliyeen uu u dhacay si waafaqsan Shareecada Islaamka islamarkaana ay sii wedi doonaan xukunada ay ku ridayaan dadka ay gacanta ku soo dhigaan ciidanka Xisbada iyagoo ku kacaya wax ka baxsan Shareecada islaamka.

Dhinaca kale maamulka Ururka Xisbul islaam magaalada B/weyne ayaa ku goodiyay in ay talaab ka qaadi doonaan dadka caadaystey in ay ku kacaan waxyaabo kabaxsan shareecada Islaamka sida Hablaha aan Xijaabka qaadan iyo dhalinyarada Banooniga ciyaarta iyagoo aan cowradooda dedin.

Isbedel dhanka akhlaaqda ah ayaa laga dareemayaa shacabka magaalada B/weyne tan iyo markii ay la wareegeen gacan ku haynteeda xoogaga Mujaahidiinta waxaana magaalada camimay ku dhaqanka shareecada Islaamka wlaoow ay jiraan dad aan doonayn ku dhaqanka shareecada oo isku qarinaya xaafadaha balse laga nabad galay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: