Maydadka dadkii xalay ku dhintay qarax ka dhacay Wadada 30-ka oo lasoo bandhigay iyo Saraakiil Xisbul Islaam ah oo kamid noqday maydadkaas (SAWIRO + COD).

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo xoogan oo xalay fiidkii ka dhacay wadada 30-ka magaalada Muqdishp oo aan ka fogayn suuqa weyn ee Bakaaraha islamarkaana ay gacanta ku hayaan Xoogaga Mujaahidiinta ah.

 

Duhurnimadii maanta ayay saraakiil katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Saxaafadda usoo bandhigtay Maydadka rag xalay qaraxyo xoogan ku qabsaday agagaarka suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho waxaana la sheegay in maydadka lasoo bandhigay ay yihihiin saraakiil katirsanaa Ururka Xisbul Islaam oo miinada dhigayay wadada.

Sh Cali Dheere Afhayeenka Xarakada oo maanta shir Jaraa’id uu qabtay uga hadlay qaraxyadaan ayaa  talooyin wax ku ool ah u diray dhalinyarada Mujaahidiinta ah ugana digay in aan loo adeegsan si khaldan camalkoodia jihaadiga ah, waxana uu ku baraarujiyey in ay rasaastooda iyo weeraradooda ay ku jiheeyaan dhanka cadowga Islaamka. Halkaan ka dhagayso hadalka Sh Cali Dheere

Saxafiyiinta magaalada Muqdisho ayaa lageeyay goobta wax ka dheceen si ay Indhahooda ugusoo arkaan maydadka ragga ay miinadu laqaraxday iyagoo wadada ku aasaya miinooyinooyin lagu waxyeelayn lahaa shacabka rayidka ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka dhintay ay ka mid yihiin saraakiil ahaa oo ka tirsanaa Ururka Xisbul islaam garabka Maxamed Macalin oo doonayay in ay qarxiyaan gaadiid ay lahaayeen saraakiil katirsan Shabaabul Mujaahidiin waxaana labar gartay maydadka Dadka ku halaagsamay Miinada ay doonayeen in ay wax ku halaajiyaan.

SomaliMeMo ayaa kamid aheyd saxaafadii lagu marti qaaday In ay soo aragto maydadka goobta yiilay iyo in saxaafaddu sawir guud ka bixiso qaabka ay wax u dheceen,waxaa Isgoyska Baar Ubax yiilay 3 Nin oo mayd ah kuwaas oo ay si xun ula kacday Miinooyin ay dhulka ku aasayeen.

Ciidamada Xisbada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xil weyn iska saaray sugidda amaanka goobta lagu soo bandhigayay maydadka sharwadayaashii ku fashilmay in ay dhibaato iyo fitno ka dhax abuuraan dadka Muslimiinta ah.

Daqiiqado kadib markii saxaafadda loo soo bandhigay Maydadka oo goobtii lagu soo kala tegay ayaa mar qura lamaqlay Rasaas xoogan oo ku soo dhacaysa goobta intaasi kadib waxaa bilaawday Tacshiirad daqiiqad socotay oo u dhexaysay Ciidamada Xisbada iyo qolooyin doonayay in ay qaataan maydadka sharwadayaashii xalay miinadu laqaraxday..

Dhawaqa rasaasta ayaa walaac ku beertay ganacsatada suuqa Bakaaraha oo mooday in dagaal toos ah ka dhacayay wadada 30-ka, Ilo madax banaan ayaa xaqiijinaya in Xisbul Islaam ay qirteen mas’uuliyadda qaraxii xalay ka dhacay wadada 30-ka balse waxay sheegeen in saraakiil Xisbiga ka tirsan oo aan shaqo loo dirsan ay falkaasi ku dhaqaaqeen islamarkaana ay baaritaano wadaan.

Maydadka maanta saxaafadda latusay waxaa kamid ahaa sarkaal caan ah oo horay uga tirsanaa Jabhaddii Islaamka ee la midoowday Ururka Xisbul Islaami, arrintan ayaa keeni karta mad madoow soo kala dhaxgala Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo taageerayaasha Maxamed Macalin oo si cad u sheegtay in ay lasafanyihiin Axmed Madoobe iyo ONLF.

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: