Beesha degta Magaalada Dhuusamareeb iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo heshiis muhiim ah gaaray “Xog dhamaystiran”.

War goordhaw oo maanta ah soo gaaray Shabakadda SomaliMeMo ayaa xaqiijinaya in heshiis dhaxal gal ah uu dhaxmaray Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo mid ka mida beelaha Somaliyeed ee dega gobalka G/gaduud bartamaha dalka Saomaaliya.

 

Kadib kulamo xasaasi ah oo maalmihii lasoo dhaafay u dhexeeyay beesha degmada Dhuusamareeb iyo Saraakiil katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayey labada dhinac isla gaareen heshiis dhinacyada badan taabanaya.

SomaliMeMo waxay ogaatay in Beesha Yabar Dhoorakace iyo Hogaanka sare ee Shabaabul Mujaahidiin ay gaareen heshiis qota dheer oo ku aadan sidii ay labada dhinac uga wada shaqayn lahaayeen kor yeelidda Diinta alle iyo ilaalinta maslaxada Umadda Muslimka ah.

Heshiiskan ay labada dhinac gaareen ayaa yimid ka dib kulamo muhiim ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday meel kamid ah Koonfurta Somalia, Saraakiisha Shabaabul Mujaahidiin waxay inoo xaqiijiyeen in kulamadaani ay ahaayeen kuwa in mudda ah soo jiitamayey islamarkaana dhinacyo badan wax laga eegay balse fadhi dheer kadib ay labada dhinac isla gaareen heshiis taariikhi ah oo wax ka bedeli doono xaaladaha ka taagan gobalka G/gaduud.

Ila Wareedyadan ay SomaliMeMo heshay waxay xaqiijinayaan in qodobadaan ay labada dhinac kala saxiixdeen ay ka mid yihiin in si buuxda labada dhinac ay iskula afgarteen xalinta dhibaatadii horay u dhacday balse qodobka ugu muhiimsan ayaa ah in Beesha Yabar Dhoorakace iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin isla garteen ku dhaqanka Shareecada Islaamka iyo Difaacidda Diinta iyo dalka iyo in lala dagaalamo Qabuura galeenka Amxaara kalkaalka ah ee G/gaduud ka joogo deegaanada ay beeshani degto islamarkaana beeshu ka baxdo isbahaysiga Qabuura galeenka.

Beesha Yabar Dhoorakace ayaa qayb weyn ka qaadatay dagaaladii cuslaa ee sanadii 2009-ka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin looga qabsaday Guriceel iyo Dhuusamareeb, Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijinaya in khialaf aad u xoogan uu u dhexeeyo Qabuura Galeenka kadib markii Beelo badan ay shaki ka muujiyeen qaabka ay Amxaaradu wax u wado.

Khilaafka u dhexeeya Qabuura galeenka ayaa sii xoogaystay ka dib markii Addis Ababa ay heshiis qaybo ah ku galeen Qabuura kaleenka iyo Dowlada KMG ah waxaana taasi ka biya diiday xubno Qabuura galeenka ka tirsanaa oo diidan in qaab kale wax loo wado.

Maalmaha soo socda ayaa lafilayaa in lagu kala tago Isbahaysiga Qabuura galeenka oo Tikreedu ay dabada ka riixaysay waxaana horay uga baxay isbahaysigaasi beelaha dego Balanballe,Xeraale Cabsiiye Ceyr iyadoona la sheegayo in Beesha C/waaq ay qarka u saarantahay in ay ka baxso Isbahaysigaasi.

48ka saac ee soo socda ayaa laga yaabaa in dhinacyadii Heshiiyay ee Shabaabul Mujaahidiin Yabar Dhoorakace ay ka hadlaan qodobadii ay ku Heshiiyeen iyo sababaha keenay in ay Heshiiyaan.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: