Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ka Jawaabtay codsi dhawaan uga yimid Hay’adda WFP.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ka hadashay codsi dhawaan uga yimid Hay’adda sheegato cunada adduunka ee WFP kaas oo ku saabsanaa in Xarakadu u fasaxdo WFP si ay dib uga shaqa bilaawdo gobalada Koonfureed ee Somalia.

 

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansur oo kamid ah madaxda sar sare ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegay in WFP aysan weligeed ka shaqayn doonin Somalia inta ay Nolosha u diidantahay Shacabka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed.

Abuu Mansuur oo shacabka magaalada Baydhabo kula hadlayey Masjidka weyn ee magaalada ayaa sheegay in WFP ay tahay cadaw dilaa ah oo caqabad ku ah sharafta qofka Muslimka Soomaaliga ah marka loo eego raashinka ay bixinaysay tayadiisa iyo hantida dhulka ku duugan oo ay shacabka kahor istaagaysay.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay WFP u sheegtay in ay ka soo jawaabto shuruudihii ay shacabka iyo Mujahidiin ku xireen shaqadii WFP Soomaaliya oo ahayd in raashinka ay qaybiso ka Iibsato Beeralayda Soomaaliyeed hadii kale aysan wax shaqa ah qaban karin.

Dowladda Mareykanka ayaa horay u sheegtay in WFP ay maalgelin siiso xarakada Al Shabaab arrinkaas oo ay WFP beenisay, hadalka Sheekh Abuu Mansuur ayaa kusoo aadaya xilli WFP ay boqolaal gaadiid raashin sida ay soo dhoobtay magaalada G/kacyo.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: