Wilaayada Shabaabul Mujaahidiin ee Gobalka Hiiraan oo galabta Maxkamad Islaami ah ka furay Magaalada B/weyne.

Wilaayada Islaamiga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin gobalka Hiiraan ayaa maanta si rasmiya u furtay Maxakamadd garsoorka gobalkaasi Hiiraan si ay ugusoo dacwad tagaan dadka isku haystan dacwadaha dhulalka iyo wax kasta oo ay isku khilaafaan Umadda Muslimiinta ah. 

 

Munaasabad balaaran oo galabta ka dhacday magaalada Baladweyne ayaa daaha looga rogay Maxkamadda Islaamiga magaalada B/weyne waxaana Munaasabadii lagu furayay Maxkamadda Islaamiga Shabaabul Mujaahidiin gobalkla Hiiraan goob joog ka ahaa Madax katirsan wilaayada islaamiga Shababaul Mujaahidiin gobalka Hiiraan iyo saraakiil ka socday Al Xisbul Islaami. 

Gudoomiyaha garsoorka Maxkamadan cusub ee B/weyne laga furay Macalin Bishaar oo saxaafadda lahadlay ayaa faah faahiyay baahida keentay in xiligan wilaayadu furto Maxkamad islaami ah “Alxamdulilaah Maxakamadan Islaamiga ah waxay ukala Garsoori doontaa Umadda Muslimiinta ah ee ku dhaqan B/weyne iyo deegaanada hoos yimaad, Insha’alaah maxkamadu shareecada alle ayay wax ku xukumi doontaa”ayuu yiri Macalin Bishaar.

Ururka Al Xisbul Islaam ayaa iyana dhawaan maxkamad islaami ah ka furay Bariga magaalada B/weyne halka Maxkamadani cusuba ay qayb kale magaalada uga taal waxaana lafilayaa in maalmaha soo socda ay bilaawdo qabashada dacwadaha ay dadku isku haystaan.

Wilaayada Islaamiga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa horay Maxakamado garsoor uga furtay degmooyinka Buq-aqable iyo Buulabarde oo dhamaantood kawada tirsan gobalka Hiiraan bartamaha dalka Somalia. 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: