Wilaayada Islaamiga Gobalka Sh/Hoose oo Dayactir ka bilaawday Wadada isku xirtay magaalada Baraawe iyo deegaanka Maryan Gubaay.

Shacabka ku dhaqan gobalka Shabeelaha Hoose ayaa si diiran usoo dhaweeyay Howllo dib u dhis ah oo ay wilaayada Islaamiga Gobalkaasi Shabeelaha Hoose ka samaysay wadooyinkii ku burburay dagaaladii sokeeyay ee dalka ka dhacay.

Mashruuc balaaran oo lagu dayarctirayo wadada isku xirta degmada Baraawe iyo deegaanka Maryan Gubaay ayaa shalay laga bilaabay gobalkaasi waxaana dayactirka ku baxaya Malaayiin lacag shilin Somali ah,saraakiisha wilaayada islaamiga gobalka ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii ay wadada uga dhigi lahaayeen meel gadiidka dadweynaha isticmaali karo.

Wadadan dayactirka lagu bilaabay waxay isku xirtaa magaalada Baraawe iyo deegaanka Maryan Gubaay oo uu ka dhexeeyo ganacsi aad u xoogan balse bilihii lasoo dhaafay ay go’doon kala ahaayeen labada magaalo kadib bacaad ka dhashay daadka Roobabka oo wadad xiray.

Madaxa arrimaha Bulshada Wilaayada Islaamiga Shabeelaha Hoose oo faah faahin ka bixiyay dayactirka lagu sameeyay wadada ayaa sheegay in ay dhismaha ku wadaan dhul dhan 40 KM oo isku weer ah.

Wilaayaadka islaamiga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee Gobalada Koonfureed ee dalka Somalia ayaa sanadihii lasoo dhaafay ku guulaystay in ay dib u habayn ku sameeyaan wadooyinka waaweyn iyo Kanaalada ay Beralaydu ku waraabsadaan Beerahooda dhawaan ayay Wilaayada Shabeelaha dhexe samaysay dayactir wadooyin iyo Kanaal weyn oo aan muddo 20 sana ah helin wax dayactir ah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: