War Deg Deg ah: Dagaal Hub badan looga qabsaday Maleeshiyo taabacsan Dowladda KMG ah oo Goordhaw ka dhacay deegaanka Rif Gobalka G/gaduud.

War Goordhaw nagasoo gaaray Gobalka G/gaduud ayaa xaqiijinaya dagaal kooban uu ka dhacay inta u dhaxaysa tuulada Caga Cadde iyo Rif oo ah tuulooyin hoos yimaad degmada Galhareeri gobalka G/gaduud bartamaha Somalia.

Saraakiil katirsan Wilaayada islaamiga Gobalka G/gaduud ayaa Goordhaw Somalimemo.com u xaqiijiyay in howlgal balaaran ay ku qaadeen deegaanno ay kooxo buracad ah maalmihii lasoo dhaafay isku aruursanayeen.

Dagaalka oo ahaa mid kooban oo laysku adeegsaday qoryo gacmeedyo ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac aad ufarabadan oo soo gaaray maleeshiyo la sheegay in ay daacad u ahaayeen dowlada KMG ah oo dhawaanahan laga qorayay dhulka miyiga ah.

Saraakiisha mujaahidiinta waxay noo xaqiijiyeen in sedax nin oo hubaysan laga dilay maleeshiyadii Dowladda taageersaneed islamarkaana ay ka carareen Maydad sidoo kale mujaahidiintu waxay gacanta ku dhigeen Sedax qori oo mid kamida uu ku sawiraa Calanka Somalia.

Ciidanka mujaahidiinta ayaa saaka aroortii hore ku Jarmaaday dhulka howdka ah ee Rif oo maalmahan ay Dowlada KMG ah ka qoranaysay ciidan waxaana arrinkaas cabasho ka muujinayay Dadka xoola dhaqatada ah oo Wiilashii xoolaha u ilaalinayay laga askaraynayay.Wixii kusoo kordha kala soco Somalimemo.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: