Suldaan Axmed Dhoore ” Zanawi Mujrimiintii uu gacmihiisa ku dhisay ayuu walaaleynayaa laakin Mujaahidiinta ayaa kala Irdhayn doona Inshaa Allaah.

Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa Cambaareeyay qorshayaasha ay dowladda Itoobiya ku Midaynayso Maleeshiyaadka Mushrikiinta Qabuura galeenka ah iyo Dowlada KMG ah ee uu Shariif Sheekh Axmed Hogaamiyo.

 

 Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye Suldaan Dhoore oo lahadlay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in Males Zanawi uu mas’uul ka yahay midaynta Qabuura Galeenka iyo DKMG ah oo dhamaantoodba diidan in Somaliya ay ka dhalato dowlad Islaami ah.

“Cadawga Umadda Somaliyeed iyo Islaamka ayaa wada in uu isku geeyo labadii Koox oo ay horay u dhiseen, Ahlusuna ma ahan waa gaalo raacyo uu madax u yahay Gaalka Males Zanawi xataa hadii la mideeyo taako kama qabsan karaan dhulka mujaahidiintu maamulaan iyagaaba laga qabsan doonaa dhulalka ay joogaan”ayuu yiri Suldaan Dhoore.

Suldaanka ayaa carrabka ku dhiftay in waqti aan dheerayn ay Mujaahidiintu la wareegi doonaan gacanta ku haynta meelaha ay Qabuura galeenku ka joogaan gobalka G/gaduud oo ay kooxahaasi ka wadaan falal liddi ku ah shareecada Islaamka.

Dhinaca kale dhaqanka Hawiye waxay cambaareeyeen baroorta ka soo yeeraysa dad Soomaali ah oo sheeganaya in ay yihiin waxgarad kuwaasi oo u qayla dhaaminaya in lasii daayo Gaalo u Afduuban kooxaha loogu yeero Burcad badeedda.

“kuwa sheeganaya dhaqanka ee gaalada u barooranaya waxaana leeyahay maxaad uga aamusantihiin xasuuqa ay gaalada AMISOM ku hayaan shacabka oo aad ugu barooranaysaan Gaalo Cajuuso ah diintiina ayaad wax yar oo aan nafci lahayn ku Iibsateen”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Suldaan Dhoore.

Axmed Diiriye Cali iyo Maxamed Xasan Xaad oo maalmo ka hor shir ku qabtay Muqdisho ayaa ku baaqay in lasii daayo Lamaanayaal Ingiriis ah oo la sheegay in ay ku qafaalanyihiin degmada Xarardheere gobalka Mudug.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: