Itoobiya oo Xabsiga dhigtay Saraakiil iyo Xildhibaanno katirsan dowladda KMG ah oo Dagaal ka hurin lahaa Gobalka Hiiraan.

Ciidamada Tikreega Itoobiya ayaa gacanta ku dhigay Xildhibaanno katirsana dowlada KMG oo doonayay in ay dagaal ka huriyaan Gobalka Hiiraan oo ay maamulaan Xoogaga Mujaahidiinta Somalia.

Itoobiya waxay Xabsi dhigtay Xildhibaan Xuseen Maxamuud Gaalgaale iyo C/laahi Maxamed Aadan Fareey oo dhamaantood dowlada KMG ah u dirsatay in ay huriyaan dagaalada ka aloosan Gobalka Hiiraan ee u dhexeeya Mujaahidiinta iyo Maleeshiyaadka ay Itoobiya soo tababartay.

Xildhibaanadan laxiray oo horay uga mid ahaa Maxkamadihii Islaamka ee Burburay ayaa diyuurad ka raacay magaalada Muqdisho waxayna gaareen magaalada Jigjiga dhulka Somaligalbeed oo ay Itoobiya gumaysato waxayna doonayeen in ay Hiiraan kasoo galaan dhanka Feer Feer balse waxaa meel dhexe ka qabtay ciidan gaar ah oo ay Itoobiya leedahay.

Ilo Wareedyo aan helnay ayaa xaqiijinaya in muddo ka badan 20 Maalmood ah ay Xabsiyada magaalada Jigjiga ku jiraan Xildhibaanadan dagaalka ka abaabuli lahaa degmooyinka gobalka Hiiraan.

Wararka ayaa intaas raacinaya in Xildhibaanada laqabtay lagu haysto kaalintii ay ku lahaayeen dagaaladii Ciidanka Itoobiya sanad ka hor lagula galay Somalia oo labada xildhibaan qayb weyn ku lahaayeen, Xildhibaan Gaagaale ayaa ahaa Taliye K/xigeenkii Ciidankii Maxkamadaha Gobalka Hiiraan waxaana lagu xasuustaa dagaalkii lagu laayay Amxaarada oo sanadkii 2008 ka dhacay deegaanka Garasyaani gobalka Hiiraan.

Balse hadda wuxuu Gagaale Garab iyo gaashaan ka raadinayay Dowladii uu dagaalka dheer kula galay dhulka Somalia ee Itoobiya, dowlada KMG Somalia ayaan wax war ah kasoo saarin Xariga lagu hayo xildhibaanadan katirsan maamulkeeda, waxaa laga yabaa in Itoobiya ay Maxkamad ku saarto Xildhibaanadan dilkii ay ugaysteen Ciidanka Tikreega.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xildhibaanadan lala xiray Taliyihii Ciidanka dowladda Gobalka Hiiraan “Inji” oo isna qayb ka ahaa gurmadka ay dowlada KMG ah ku doonaysay in ay ku Burburiso wilaayaadka Islaamiga Gobalka Hiiraan.

Sidaan ayay Cadawgu ula dhaqmaan cid walba oo ku biirta nidaamkooda islamarkaana ka tanaasusha Camalka Jihaadka, Booliska Kenya ayaa bil ka hor Xildhibaano iyo saraakiil dowladda katirsan ku xiray Xabsiyada magaalada Nairobi waxayna saraakiisha dowladu noqdeen “Doqoni Dibir kama daasho”.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: