Abuu Mansuur “Cafis ayaan u fidinay Maleeshiyada Dowlad shariifka ee Xad Beenaadka ku dhuumanaya hadii ay alle u Towbad keenaan Dadka caadiga ah ayay kamid yihiin”.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa cafis guud u fidisay Maleeshiyaadka iyo saraakiisha Dowladda KMG ee kasoo jeeda gobalada Bay iyo Bakool hadii ay iskusoo dhiibaan Wilaayaadka Islaamiga gobalada Bay iyo Bakool.

Kadib kulan balaaran oo ay magaalada Baydhabo ku yeesheen Odayaasha iyo Waxgaradka Beelaha Digil iyo Mirifle saraakiil katirsan Shabaabul Mujaahidiin waxaa lagu go’aamiyay in cafis loo fidiyo Maleeshiyo dowlada katirsan oo Beelaha Digil kasoo jeedo si ay uga bad baadaan dhibaatada uu cadawgu la damacsanyahay.

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo hadal ka jeediyay Kulankan ay la yeesheen Odayaasha ayaa sheegay in Mujaahidiintu ay cafiyeen Maleeshiyada Dowlada KMG ah ee ku dhuumalaysanaya Xad beenaadka ay wadaagaan Somalia iyo Itoobiya balse loo baahanyahay in ay Hubka soo dhiibaan shacabkana ay soo dhaxgalaan.

Abuu Mansur ayaa carrabka ku dhiftay in Maleeshiyada dowlada KMG ah ay Caqiida ahaan iyo Nolol ahaan aad u liitaan waxa kaliya ee looga baahanyahayna ay tahay in ay alle u Towbad keenaan oo ay dib ugusoo laabtaan guryahooda.

“Mas’uuliyiinta Xarakada mar hore ayay cafis u fidiyeen kuwa la shaqeeya dowladda shariifka, dad badan ayaa ka faa’iidaystay cafiska waxaa kamida ahaa sarkaalkii dhawaan baydhabo yimid iyo saalax Bad baado,insha’alaah waxa kaliya ee laga rabo waa in ay alle u towbad keenaan,odayaasha Digil waxay noo sheegeen in wiilashooda ay ku suganyihiin Doolow iyo Yeed oo ay rabaan cafis loo fidiyo anaguna waan cafinay”ayuu yiri Abuu Mansuur.

Maalmaha soo socda ayaa lafilayaa in Boqolaal katirsan Maleeshiyaadka Dowlada KMG ah iskusoo dhiibaan Mujaahidiinta , dhawaan ayuu Xildhibaan la oran jiray Saalax Bad baado iskusoo dhiibay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin isagoona ku dhawaaqay Towbad keen alle laysku dhiibid ah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: