Sarkaal Sare oo katirsanaa Dowlada KMG ah oo iskusoo dhiibay Maamulada Shabaabul Mujaahidiin iyo Al Xisbul islaam ka dhiseen Gobalka Hiiraan.

Sarkaal sare oo katirsanaa Dowladda KMG Somalia ayaa iskusoo dhiibay Wilaayaadka Shabaabul Mujaahidiin iyo Al Xisbul Islaami ee wada maamulo degmooyinka kala gedisan ee Gobalka Hiiraan bartamaha Somalia.

Wararka nagasoo gaaraya magaalada B/weyne ayaa xaqiijinaya in Munaasabad ka dhacday magaalada B/weyne saxaafada loogusoo bandhigay C/qaadir Makaraan Af-dhuub oo ahaa sarkaal firfircoon oo dowladda KMG ah uqaabilsanaa gobalka Hiiraan balse is dhiibay markii uu isku dhax qarin waayay shacabka dhaxdiisa.

gudoomiyaha Gobalka Hiiraan u qaabilsan Sheekh Shuuriye Faarax Sabriye oo ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay in ay cafiyeen C/qaadir Makaraan maadaama uu codsaday in la nabad geliyo isna uu ka qoomameeyay la shaqaynta cadawga.

Sarkaalkan is dhiibay ee lagu magacaabo C/qaadir Makaraan ayaa horay ulasoo shaqeeyay dowladii Fashilantay ee C/laahi Yuusuf wuxuuna hadda la shaqaynayay Dowlada Shariifka isagoo kamid ahaa kaaliyaashii Cumar Xaashi Aadan oo B/weyne lagu dilay.

Sarkaal katirsan Wilaayada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin gobalka Hiiraan oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in dhankooda ay cafiyeen C/qaadir Makaraan balse looga baahanyahay in uu alle uga run sheego Towbadkeenkiisa, Sarkaalka isisoo dhiibay ayaa isna sheegay in uu si Nabad gelyo ah ugu noolaan doono gobalka Hiiraaan.

Isdhiibidda sarkaalkan ayaa muujinaysa in ay Burbureen Maleeshiyaadkii DKMG gobalka Hiiraan iyo kuwa kale oo dhawaan sheegtay in ay Qabuura Galeenka Wakiilo uga yihiin gobalka Hiiraan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: