Ciidanka Burundi ee Muqdisho jooga oo Dagaal kula jira Dhirta Cagaaran Kadib Goodis uga yimid Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Ciidanka Burundi ee fariisinka ku leh Kuliyadii hore ee Jaalle Siyaad waxay wajahayaan taxadi uga imaanaya ciidamo katirsan xarakada Shabaabul mujaahidiin oo dhawaan si weyn ugusoo qul qulayay magaalada Muqdisho.

Cutubyo ka tirsan ciidanka Burundi ayaa saaka bilaabay in ay banaanka usoo baxaan si ay isaga ilaaliyaan go’doomin ay ku sameeyaan xoogaga mujaahidiinta ah, goob joogayaal ayaa saaka sheegay in Bundhiisku ay bilaabeen in ay weeraraan Geedka Somalidu u taqaan “Cali Garboob” iyagoo ka cabsi qaba in Mujaahidiinta Shabaab ay ugusoo dhuuntaan Geedkaasi.

Saaka ayay Dadku arkayeen Ciidanka Burundi oo wata Faasas iyo baangado ay ku jarayeen Geedaha Howdka ka dhigay agagaarka Haanta dheere ee kuliyadda waxayna ciidanka Burundi wadada soo dhigteen taangiyo xiligii ay geedaha jarayeen.

Guutooyin katirsan Shabaabul Mujaahidiin oo meel aan Kuliyadda ka fogayn difaac uga jira ayaa qal qal ku beeray Bundhiiska taas ayaana sababtay in Burundigu ay saaka jaritaan kula dhaqaaqaan geedaha caadiga ah.

Cabsida ay Burundhiisku qabaa waxay sii korortay kadib weerarkii lagu dili lahaa Yuusuf Indho Cadde oo Wasiiro Dowlle ka ah dowladda KMG ah ee uu madaxda ka yahay Shariif Sheekh Axmed.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: