Beelo ka baxay Isbahaysiga Qabuura Galeenka G/gaduud kadib markii uu General Galaal Maleeshiyaad u gaar ah ka qortay Guriceel iyo Dhuusamareeb “Xog dhamaystiran”.

Khilaaf aad u xoogan ayaa soo kala dhaxgalay saraakiisha Maleeshiyada Qabuura galeenka Muskhrikiinta ah ee ku sugan degmooyin katirsan Gobalka G/gaduud iyo General Maxamed Nuur Galaal oo dhawaan gaaray gobalkaasi.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijinaya in Maleeshiyada Qabuura galeenka ah ay kasoo horjeesteen Awood uu Galaal ku yeesho Guri Ceel iyo Dhuusamareeb kadib markii Galaal uu muujiyay taageerada uu beeshiisa ka haysto.

Beelo Muhiim u ahaa Isbahaysiga Qabuura Galeenka ayaa laxaqiijiyay in ay dib uga gurteen Isbahaysigaa ka gadaal khasaara kasoo gaaray dagaallo shabaabul Mujaahidiin lala galay iyo caro ay ka muujiyeen siyaasadda Galaal.

Beeslaha dega C/waaq,Balanballe,Xeraale iyo Koonfurta G/kacyo ayaa la xaqiijiyay in ay ka bexeen Isbahaysigii Qabuura galeenka oo ay hadda kusoo hareen beelo fara kutirs ah oo ay dowlada Tikreegu dadaallo ugu jirto in ay markale isku duba riddo.

General Galaal ayaa la sheegay in uu taageero siyaasadeed iyo Maaliyadeed ka helay Ganacsato Beeshiisa ah oo ay horay xoog ugu haysteen Maleeshiyada Qabuura galeenka taas oo keentay in Qabuura galeenku ay waayaan lacago ay baad uga qaadan jireen shirkadaha Xawaaladaha iyo kuwa Isgaarsiinta waxaana madaxa kor usoo qaaay beelihii gobalka deganaa.

Wararka ayaa intaas raacinaya in General Galaal uu Guri Ceel iyo Dhuusamareeb ku yeeshay Maleeshiyaad hubaysan oo beeshiisa kasoo jeedo islamarkaana uu kalasoo go’ay Qabuura Galeenka Mushrikiinta ah waloow ay isku hadaf yihiin qabuura galeenka.

Galaal oo dhawaan sheegay in uu Talooyin iyo Khibrado Ciidan siinayo Qabuura Galeenka ayaa hadda noqday Dagaal Ooge dhankiisa howsha ka wata,beelaha C/waaq kasoo jeeda ayaa Gadoodkooda ku saleeyay in Galaal uu mas’uul ka ahaa dagaalkii dhiigga badan ku daatay ee beeshooda G/gaduud looga riday xiligii ay socdeen dagaaladii Ahliga ahaa halka Qabuura Galeenka Xeraale ay rumaysanyihiin in Galaal uu diyuurado ku duqeeyay beeshooda xiligii dowladii Siyaad Barre.

Tikreega ayaa lafilayaa in ay Galaal ku amraan in uu G/gaduud ka baxo maadaama uu kala jebiyay Wakiiladii Tikreega u qaabilsanaa gobalka G/gaduud, dhinaca kale ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa kusoo dhawaaday degmooyinka Guriceel iyo G/gaduud waxaana laga cabsi qabaa in ay mar walba dagaallo dhacaan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: