Sirdoonka wadanka Maleziya oo Gacanta ku dhigay Malaayiin Dollar oo ay lahaayeen Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Shariif Sheekh Axmed oo DKMG ah Hormuud u ah.

Waqti ay dhaqaale darro iyo daciiftinimo Meleteri lakufayso Dowladd KMG Somalia ee uu Hogaaamiyo Shariif Sheekh Axmed ayay Dowladda Maleziya Gacanta ku dhigtay Malaayiin Dollar oo ay lahaayeen Mas’uuliyiinta ugu saraysa dowlada KMG.

Ilo Wareedyo laga helay magaalad Kowalan Buur xarunta Dalka Maleziya ayaa xaqiijinaya in laanta la dagaalanka Waxaloogu yeero Argagaxisad ay Gacanta ku dhigtay Lacag adag oo Bunuukta wadankaasi Maleziya u tiilay madaxa dowladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan Wasiirka Maaliyada dowladda.

Wararka ayaa intaas raacinaya in Ciidanka Sirdoonka ay la wareegeen lacag dhan 16 Milyan oo Dollar oo tiilay Fast Bank Communty oo ah Bankiga ugu weyn ee wadankaasi Maleziya, Lacagatan ay xanibtay dowladda Maleziya ayaa la sheegay in sanadkii lasoo dhaafay uu dibadaha ka aruurinayay Shariif Xasan Sheekh Aadan Wasiirka Maaliyada ahna R/wasaare K/xigeen waxaana la doonayay in lagu abaabulo dagaallo iyo Tababarida Maleeshiyaad ay Dowladu Ciidan ka dhigato.

War doonka dalka Maleziya ayaa aad uga shakisan 16-ka Milyan ee Dollar oo ay si gaar ah u leeyihiin shaqsiyaad Somali ah oo Dagaal ka hurinayo Somalia, Dowlada shariifka ayaa bilihii lasoo dhaafay waday abaabulo dagaal oo ka dhan ah Xoogaga Mujaahidiinta Somalia oo wilaayaad Islaami ah ka sameeyay 10 Gobal oo dhaca Koonfurta Somalia shareecada Islaamkana dadka ku dhaqo.

Dowladaha reer Galbeedka ayaa bilihii lasoo dhaafay Lacago badan ku faraqayay dowladda KMG ah si ay awoodeeda yar u baahiso waxaase muuqanaysa in shaqsiyaad katirsan DKMG ah ay qaab xatooyo ah dibadaha udhigteen lacago taas oo muujinaysan in meesha aysan aalin wax nidaam ah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: