Maleeshiyaadkii ONLF iyo kuwii Axmed Madoobe oo Xalay ka baxay magaalada Dhoobleey Boqolaal dagaalyahan oo Shabaabul Mujaahidiin katirsan oo magaalada kusoo wajahan “Xog dhab ah”.

Warar kala gedisan ayaa kasoo baxaya xaaladda dhabta ah oo ay ku sugantahay.

magaalada Dhoobleey gobalka Jubbada Hoose oo ay shalay soo galeen Maleeshiyaad is garabsanaya oo ka kala tirsan ONLF iyo kuwa Axmed Madoobe ee Kenya lagasoo hubeeyay.

Ilo Wareedyo muhiim ah oo ay heshay Shabakadda Somalimemo.com ayaa sheegaya in Maleeshiyaadkii magaaladaasi galay ay xalay saqdii dhexe isaga carareen magaalada kadib markii ay dhaqa dhaqaaqyo ciidan ka dareemeen Jihooyin kala gedisan oo ay Mujaahidiinta Shabaab samaynayaan.

Maleeshiyaadkan shareeca diidka ah ayaa laxaqiijiyay in ay magaalada baneeyeen islamarkaana ay hadda Dhoobley tahay mid haawanaysa waxaana kusoo wajahan Boqolaal katirsan Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin oo aan ka fogayn magaalada.

Inkastoo ay weli go’antahay Isgaarsiintii magaalada Dhoobley hadana wararka lahelayo waxay muujinayaan iyo Gurmadyo kala gedisan oo Shabaabul Mujaahidiin katirsan ay magaalada kusoo dhawaadeen.

Wararka ayaa intaas raacinaya in Guutooyin katirsan Shabaabul Mujaahidiin ay magaalada dhanka waqooyi ugasoo wajahanyihiin,ciidanka Shabaab oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Deegaanka Diif oo 90 KM dhanka waqooyi uga beegan Dhoobleey ayaa Cabsi badan ku beeray Maleeshiyaadkii shalay dhoobley soo galay.

qulqulka Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin oo shalay ilaa iyo xalay Gobalka dhan dhaq dhaqaaqyo ka waday ayaa Maleeshiyaadka Axmed Madoobe iyo ONLF u diiday in ay xalay Hurdada ku lalaan,Saraakiil katirsan Mujaahidiinta ayaa noo sheegay in Ciidanka Dhoobleey soo weeraray ay isugu jiraan 3 qayb oo kala ah Maleeshiyaadka ONLF,Maleeshiyaadkii Axmed Madoobe iyo Boqolaal kale oo ah Copy Kenyati bilihii lasoo dhaafay lagu Tababarayay dhulka Somalida ay Kenya gumaysato.

Saacadaha soo socda ayaa lafilayaa in Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay galaan magaalada waxaana laga yaabaa in dagaallo culus ay ka dhacaan duleedyada magaalada oo ay weli dhaq dhaqaaqyo ka wadaan Maleeshiyaadkii Dhoobleey ka firxaday.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: