Saraakiil iyo Maleeshiyo isa soo dhiibtay oo hub aad u fara badan sitay oo lagu soo bandhigay Guulwadayaasha iyo Afhayeenka Al-Shabaab oo ka hadlay(Daawo Sawirada)

Xerada Guulwadayaasha ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo bandhigay Hub aad u fara badan iyo Sarkaalkii watay Maleeshiyadii DKMG ah ee hubkaasi lasoo goosatay kuwaasi oo isku soo dhiibay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, isla markaana xalay si nabad galyo ah loo soo gudbiyay.

Munaasabad maanta ka dhacday xeradaasi ayaa lagu casuumay saxaafadda iyadoona ay goob joog ka ahaayeen saraakiil sar sare oo kamid ah Al-Shabaab, isla markaana uu ka mid ahaa afhayeenka Xarakada Sheekh Cali Max’uud Raage ( Cali Dheere), oo halkaasi dardaaranno ugu jeediyay maleeshiyada ku hartay safka xukuumadda Shariif.

Ugu horeyn waxaa halkaasi saxaafadda kula hadlay Sarkaalkii watay maleeshiyada isa soo dhiibtay oo halkaas kaga dhawaaqay in uu ka towbad keenay kamid ahaanshiyaha DKMG ah oo uu tilmaamay in lagu khalday markii hore oo loo sheegay meel shareecada Islaamka lagu dabaqayo inay tahay.

Waxaa uu si cad u sheegay Sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Bashiir Axmed Urur oo hore ula soo shaqeeyay dawladihii hore ee Somaliya, wuxuu si cad u qiray in DKMG ah ay toos u hoostagto Uganda, Burundi iyo Mareykan uu sheegay mar waliba in ay ugu imaan jireen xeradooda ay deganaayeen oo ku taallay Shirkaddii Nacnaca ee degmada Wadajir.

Bashir Axmed Urur oo hadlaya ayaa yiri ” Waxaa ley dhahaa Bashiir Axmed Urur, waxaan kamid ahaa saraakiishii hore ee ciidanka Xoogga dalka, waxaan kamid ahaa nimankii Aalkuliistayaasha Ciyaalka ahaa lagu daray ee Jabuuti lagu soo tababaray, waxaan rabaa in aan saxaafadda iyo Umadda Somaliyeed u sheego wixii la isku siraayay meesha shareeco Islaam in ay taallo waxba kama jiraan meeshaas shareeco ma taallo, meeshaasi niman AMISOM ah burudi iyo Uganda iyo niman Mareykan ah oo noo yimaada ayaa maamula”.

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cali Max’uud Raage ayaa halkaasi hadal dhinacyo bada taabanaya ka jeediyay, waxaana uu yiri mar uu ka hadlayay Maleeshiyada iyo saraakiisha isa soo dhiibtay “waxaan u mahad celinayaa walaalka aad maanta aragtaan, jidka xaqqa ah in uu gartay iyo wanaaga, xumaantana uu kasoo cararo, waxaan ugu baaqeynaa kuwa kale ee nimankaa gaalada ah nasaarada ku hoos jira ee la rabo inay difaacaan kirishtaanka, magaca muslimkana sheeganaya waxaan leenahay waa ku burayaa magaca Muslim waxa aad ku jirtaan ee kasoo baxa oo ka towbad keena wixi hore”

Goobtaasi ayaa lagu soo bandhigay 50 qori oo nuuca AK47 ah, waliba kuwa aadka loogu yaqaano Maleeshiyada DKMG ah ee loo yaqaano( AK Shariif), iyadoona maleeshiyada halkaasi aan lagu soo bandhigin iyo saraakiil ciidan oo kale oo la socday sarkaalka ugu sareeya kuwaasi oo qaarkood lagu soo tababaray dhawaan dalkaasi Jabuuti.

Dhanka kale Afhayeenka Al-Shabaab waxaa uu ka hadlay dhaq dhaqaaqa Milatari ee maalmahan ka jira Muqdisho ee DKMG ay damacsan tahay in dagaallo kusoo qaaddo fariisimayaasha Islaamiyiinta, waxana uu Sheekh Cali sheegay in dagaaladaasi lagu jabin doono “Murtaddiinta lagana itaal roonaa doono Nasaarada Calooshood u shaqeystayaasha ah ee Muqdisho jooga”.

Marar badan ayay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab sidaasi oo kale Muqdisho ugu soo bandhigeen hub iyo ciidamo lagala soo goostay DKMG ah, iyadoona dhawaan ay aheyd marki Muqdisho lagu soo bandhigay laba askari oo dawladda kala soo goosatay gaari Homey ah kuwaasi oo iyaguba saxaafadda ka hadlay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: