Ciidamada Tigreega oo Ceelbarde ka kaxeystay dad lagu eedeeyay wiilkooda in ay kamid yahay Xubnaha Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

 

Ciidankii Tigreega ee shalay soo galay degmada Bardaale ee gobolka Bakool isla markaana ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay in ay dib kaga gurteen iyagoona ku sugan duleedka degmada, waxaana ay deegaankaasi kala baxeen tiro dad isku qoys ah oo ay ku eedeeyeen in wiilkoodu uu kamid yahay xubnaha Mujaahidinta Al-Shabaab. 

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in haraadiga Maleeshiyaadkii laga eryay Bay iyo Bakool sanadkii hore ay gaarsiiyeen Ciidamada Tigreeda in Ceelbarde ay joogaan saraakiil sarsare oo kamid ah Shabaabul Mujaahidiin kuwaasi oo weeraro Milatari qorsheynaya sidaasina ay Ciidamada kusoo galeen deegaankaasi.

Xuseen Aw Nuur oo kamid ah dadkii jooga Ceelbarde xilligii ay Tigreedu soo galayeen ayaa ku waramay in ay abaareen guri ku yaalla deegaankaasi oo ay ka raadinayeen nin loo maleynayo Al-Shabaab in uu katirsan yahay, laakin ay ka waayeen waxaana taasi badalkeeda ay kaxeysteen xaaskiisii iyo 3 wiilashiisa ah oo uu dheer yahay nin ay walaalo yihiin.

Maleeshiyaadkii la socday Tigreeda ayaa dadka deegaankaasi su’aalo badan ka weydiinayay Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo dhaqaaqooda laakin dadka oo aad u baqanayay ayaan ogeyn wax ay u sheegaan maleeshiyadaasi ku jactaday soohdimaha Itoobiya.

Degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa ah deegaan xuduudeed ay mar waliba kusoo foofaan Ciidanka Tigreeda, sidaasi oo ay tahayna kuma sii sugnaadaan xilliyada ay soo galaan iyagoo ka baqanaya weeraro halkaasi looga soo maleego gudaha dalka Itoobiya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: