Xaalad kacsanaan leh oo saaka ka taagan magaalada Laas Caanood xilli wali ay xiran yihiin Ducaaddii iyo Macallimiinta.

 

Wararka saaka ka imaanaya magaalada Laas Caanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya xaalad kacsanaan leh in ay ka jirto magaaladaasi xilli shalay ay dibad bax rabshado wata ka dhaceen magaaladaasi oo looga soo horjeedo howlgallo lagu qab qabtay dad badan.

Ciidamada Ammaanka ee magaalada Laas Caanood ayaa shalay ku dhaqaaqay in ay magaalada gudaheeda ka qab qabtaan Culimaa’udiin, macallimiin iyo ganacsato kuwaasi oo ay Ciidamadu ku xiriirinayeen rabshadaha ka taagan magaaladaasi.

Wasiirro katirsan maamulka Woqooyi oo booqasho hadda ku jooga magaalada Laas Caanood ayaa qaraxyo lagula beegsaday hotel ay degan yihiin, iyadoona ay hore magaaladaasi kaga dhaceen weeraro lagu ugaarsaday xubno iyo masuuliyin kamid ah maamulka gobolka Sool.

Saaka dad aad u fara badan ayaa iyagoo koox koox ah ku sugan waddooyinka magaalada Laas Caanood, waxaana ay u diyaarsan yihiin dhaqaaq in ay sameeyaan balse waxaa iyana jira howlgallo laga baqdin qabo in ay sameeyaan Ciidamada Ammaanka.

Muddooyinki u danbeeyay waxaa xaalad kacsanaan leh ay ka taagneyd magaalada Laas Caanood ee gobolka Sool halkaasi oo qaraxyo lagula eegtay madaxda maamulkaasi, iyadoona dhinacyo kala duwan lagu eedeynayo ku lug lahaanshiyaha dhaqaaqaasi.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: