Gen.Galaal oo xaqiijiyay in ay iskaashanayaan Qubuura Galeenka iyo Tigreeda si ay u wajahaan Shabaabul Mujaahidiin.

 

General Max’ed Nuur Galaal oo dhawaan gaaray magaalada Guriceel ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Kooxaha Qubuura Galeenka gobollada Dhexe iyo Xukuumadda Itoobiya, isagoona ku baaqay in si walba loola dagaalamo Shabaabul Mujaahidin.

Generalka cuttiga ah ee dagaalladii hore ee Somaliya wax ka hogaamin jiray ayaa hadalkaasi ku sheegay wareysi uu siiyay VOA-da, isagoona tilmaamay in ay loo baahan yahay Qubuura Galeenka iyo Tigreedu in ay isku kaashadaan waxa uu ugu yeeray nimanka halista ku ah amaanka dalka.

Mar wax laga weydiiyay qaabka uu hadda yahay xirirka labada dhinac iyo rasaasta qaabka ay Tigreedu ku siiso Qubuura Galeenkaasi ayuu sheegay in hub la wada heysto rasaasna ay dalka taallo, wax lala yaabana aysan aheyn dad aan isku mabda’ aheyn inay dagaal isku biirsadaan si ay ula dagaalamaan waxa uu ku sheegay ”wax gardaran”.

Waxaa la rumeysan yahay in uu yahay Galaal isku xiraha Maleeshiyada Qubuura Galeenka iyo dalalka dibadda gaar ahaan Itoobiya iyo safaaradda Mareykanka ee Nairobi, iyadoona lacago badan uu kaga soo qaado halkaasi si loogu dagaal galiyo geelleyda burcadda ah iyo Suufiyada Qubuuraha isku tirtirta.

Hadalka Galaal wuxuu imaanayaa xilli inta bada dadka Somalida ah ay isla dhexmarayaan Maleeshiyada Qubuura Galeenka in ay yihiin koox difaac u ah Tigreeda oo intii aysan dalka ka bixin ay abaabushay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: