Ciidamada Difaaca Cirka Wilaayada Islaamiga ah ee Jubbooyinka oo shalay gantaallo ku beegsaday diyaarad jawwi hoose ku dulmartay magaalada Kismaayo.

 

Sida ay baahisay Idacadda Islaamiga ah ee Al-andalus diyaarad kuwa basaaska ah ee loo badinayo Mareykanku in uu leeyahay ayaa shalay gantaallo lagula beegsaday hawada magaalada Kismaayo, xilli ay jawwi hoose iyadoo ku duuleysa ay soo gashay. 

Idaacadda Al-andalus ee magaalada Kismaayo oo soo xiganeysa ilo wareed kamid ah Ciidamada Difaaca Cirka ayaa sheegtay in diyaaradda aaney waxba gaarin balse difaac ay sameeyeen Ciidamada Cirka, diyaaradduna ay ka baxday hawada Kismaayo.

Wararku waxay sheegeen in diyaaradda la beegsaday ay aad usoo dhawaatay isla markaana dadka qaarkood ay ka baqeen in ay duqeymo geysato, iyadoona aysan aheyn markii ugu horeysay ee diyaaradaha caynkaasi oo kale ay dul heehaabaan magaalooyinka ay ka jiraan maamulada Islaamiga ah ee dalka Somaliya.

Sanadkii hore ayay aheyd markii gudaha magaalada Kismaayo lagu soo riday diyaarad nuuca Prediator-ka ah oo ku dhacday badda Kismaayo markii lala helay gantaal laga tuuray dhulka xilli ay jawwi hoose ku duuleysay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: