Midnimadii Baydhabo, walbahaarkii Cadowga, Warcelinti Xisbiga iyo riyaaqii Shacabka( Falanqeynta Jumcaha SomaliMeMo).

 

Maalintii ugu horeysay ee bishan Febraayo waxay la ballansaneyd khabar weyn oo xanbaarsan ujeeddooyin fog fog oo siyaasad leh, ka sokow taasna leh walaaltinimada dhaw iyo isbiirsiga dagaalka, waxay noqotay dhabar jab inteeda la eg iyo qarracan gaaray ugu yaraan cadowga daakhiliga ah ee ka horjeeda Islaamiyiinta iyo ugu badnaan cadowga dibadda ee Mareykanku horboodayo. 

Wax fudud maaheyn magaalada Baydhabo Jannaay in ay martigaliso tiro intaasi leg oo ah rug cadaayaasha Jihaadka Somaliya isla markaana ah odayaasha hadda horboodaya Jamaacaadka Salafiya Jihaadiya ee guud ahaan ka howlgala gobolka Geeska Afrika, qabsoomidda kulamadaasi ay xaadireen saraakiisha iyo madaxda heerkaasi la eg iyo in shirarkooda uu nabad galyo kusoo dhamaaday ka soke natiijada la arkaayo waxay haddane wajigabax ku tahay cadowgooda oo aan lagu muransaneyn haddii ay ka warheli lahaayeen qorshahaasi dhulka iska daayee cirka in ay kasoo beegsan lahaayeen.

Baydhabo Jannaay waxay gogol u noqotay Amiirka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Abu Zubeyr, Sheykhul Mujaahidiin Sheekh Xasan C/laahi Xirsi Turki, rugcadaaga Mujaahidka ah Sheekh Abubakar Al-Zeylaci, Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur iyo madax kale oo labada dhinac ugu muhimsan, halkaasi ayaana lagu jeex jeexay murtidii aan ka maqalnay warbaahinta iyo natiijada ugu danbeysay ee kulamadooda kaso baxday.

Bayaan 6 qodob ka kooban ayaa la maqashiiyay adduunweynaha kaasi oo ragga ugu muhimsan Jihaadka Somaliya isla markaana cadow ahaan ugu daran Mareykanka ay isku biirsadeen, maahan kaliya dagaalkooda Somaliyee waxay goosteen in dagaalkaasi marna aan laga reebin Jihaadka Caalamiga ah iyo kacdoonka Islaamiga ah ee adduunka ka jira Casrigan kaasi oo uu horkacayo wadaadka lagu magacaabo Sheekh Usaama Bin Laden, arrinkaasi ayuuna ahaa qarracankii ugu weynaa ee cadowga dibaddu uu ka qaaday midnimada Baydhabo.

Dhuuxa bayaanka ayaa laga dheehanayaa in lagula khidaabay 3 jiho oo cadow iyo walaal isugu jira sidaba ay adaabtu tahay waxay hadalkooda ugu horeyn u jeediyeen walaalahooda, waa Xisbul Islaam oo ay u jeediyeen midnimada Baydhabo Jannaay in ay furan tahay, oo xittaadhinacyadii hadda midoobay ay raadinayaan midnimo intaasi ka ballaaran , waxaana muuqaneysay jilicsanaan in uu ku jiray hadalkaasi, waana sida ay keeneyso walaaltinimada Islaamka ee ka dhexeysa raggii Baydhabo ku midoobay iyo Xisbul Islaam.

Bayaanka qeybtiisa kale wuxuu ku socday DKMG ah & AMISOM (Cadowga Gudaha), wuu ka duwanaa dabcan qaabkii loola khidaabay jihadii ka horeysay, waxaa loo muujiyay hadal quus iyo wadno qarar ugu filan kaasi oo ahaa in dalka Somaliya ee ay DKMG wakiil kaga tahay adduunka in laga hirgalinayo dawlad Islaami ah oo aan marna aqoonsan doonin Caalamka iyo qawaaniintiisa iska daayee in iyadu dawladdaasi ay aqoonsi u raadsato Caalamkaasi, marka sidaasi ay sameynayaana waxay il yasmo ah ku eegeen DKMG ah iyo AMISOM oo si dadban loogu muujiyay dagaalkooda in ay ku jabeen oo wax tashad iyo ogeysiina aan loogala baahneyn go’aanka dhulka laga sameynayo.

Waxaa sidoo kale ku socotay DKMG ah iyo AMISOM in iska daa Somaliyee shucuubta gobolka Geeska Afrika ee Muslimka ah laga kor qaadayo dulmiga oo la mideynayo quwaddooda, siyaasadooda iyo dhaqaalahooda taasi oo ah tilmaam dhab ah oo sii murjineysa guud ahaan dalalka gobolka Geeska Afrika iyo saaxiibadooda Caalamka, iyadoona ay taasi adkeyneyso isku xirnaanshiyo iyo isu hiilin maalin uun ka dhex dhalan doonta shucuubtaasi dhibaateysan si ay ugu baxaan maamulada dalalkooda heysta oo qaraxyo burkaano ah ay ku noqdaan jiritaanka maamuladaasi taasi oo noqon doonta ugu danbeyn guul weyn oo usoo hoyatay dhaqaaqa Jihaadka Caalamiga ah.

Jihada 3aad ee Bayaanku kula hadlay sida ugu adag waa dalalka reer galbeedka ee Mareykanku ugu horeeyo kuwaasi oo iyagu furaha ku rogaya cadowga gudaha, mana la sheegi karo wax kaga darnaa dalalkaasi in ay maqlaan Jihaadka Somaliya oo lagu xirayo midka uu hogaamiyo Sheekh Usaama Bin Laden ee reer galbeedka xakaariyay, hurdada iyo amaankana ugu diiday dalalkoodii hooyo iskaba daayeen dalalkii ay duulaanka ku tageen, laga yaabee halkaasi in uu kasoo dhalaalayo mid kamid ah ujeeddooyinka jihaaadka Somaliya iyo dhabahiisa saxda ah ee uu marayo ee wallaaca iyo qoomamaha ku haya dalalka reer galbeedka ee indha la’aanta u taageera DKMG ah ee Somaliya.

Culeyskeeda ayay ku leedahay Mareykanka oo qudhiisa ah cadowga Koowaad ee dadkii ku midoobay Baydhabo Jannaay in goob ay isugu tageen Sheekh Xasan Turki iyo Amiir Abu Zubeyr ee haddana lagu soo qaaday magaca Hogaamiye Sheekh Usaama Bin Laden, wax u haray ma lahan in rag sidaasi daacad ugu ah hogaanka Jihaadka Caalamka ee haddana bulshadooda u haya maamul aan marnba musuqmaasuq, eex, midab kala sooc, qabiil iyo qoqob lagu arag, oo nabad iyo baraaare kuso dabaalay ugu yaraan 10 gobol oo kamid ah 18-ka gobol ee dalka Somaliya, arrimahaasina iska daaye saaxiib cadow xitaa ma inkiri karo, qofkii shahaadadeeda u baahana ha weydiiso xeebaha Marka iyo Baraawe, ama wabiyada Balcad iyo Jowhar, amaba dekadda magaalada Kismaayo iyo meelaha kale iyaga haya sheekada macaanteedee.

Warcelintii Xisbul Islaam

Hogaamiye Sheekh Xasan Daahir Aweys wuxuu ahaa jihadii ugu cusleyd ee walaal ah oo haddana laga sugayay jawaabta ugu dhaqsaha ah ee ku aadan wixi dhacay, taasi ayayna aheyd ujeedkii ugu weynaa ee shirkisii jaraa’id ee baahsanaa kaasi oo maalin xigay waqtigii shirka, waxaana si daacadnimo leh uu ugu tilmaamay waxa meesha ka dhacay in ay jiraan balse ay qaabkaasi si ka wanaagsan jeclaayeen, waana sida ay dhihi laheyd cid waliba oo ay ahaataba oo hogaamiye garabkeeda midig (Sh Xasan Turki) uu ka dhaqaaqay wargelin iyo wargeli la’aanba.

Sheekh Xasan Daahir oo ah khabiir dhanka dagaalka iyo dagaalada ah kuma aaney riixin eeddaasi uu ka qabay midnimadii Baydhabo in uu dhagaha Umadda soo gaarsiiyo wax ay la fajacdo, iska daayee wuxuu qiray wax sidaasi u buuran in aysan aheyn mar haddii shaqsiyaadki ka tagay ay safka Jihaadka ku jiraan taasi ayuuna u arkaayay in ay noqon karto wax lagu shallaayo ama laga shallaayo.

Waxaase jirtay arrimo warbaahinta isagoo u jawaabayay uu sheegay oo aheyd heshiis iyaga iyo Al-Shabaab ka dhexeeyay oo ahaa in aan xubnaha la kala qaadan, arrinkaasi oo dulsaar ku ahaa hadalka Sheekha ayay keentay Afhayeenka Shabaabul Mujaahidin Sh Cali Dheere in uu maalin sii xigtay isagana uu ka jawaabo Umadda iyo ra’yul Caamkana u sheego hadalkaasi in aanu aheyn sidii uu u baahay ama loo sii daayay.

Walbahaarka DKMG & AMISOM

Maadaama iyaga ay yihiin jihada koowaad ee dharbaaxada gudaha ay ku dhaceyso ayuu Iclaamka gudaha iyo kan dibadda u deg degay saacado kooban kadib bal in uu helo jawaabta DKMG ah iyo AMISOM, Sh Sharif ayaa ah kan ugu sareeya nidaamk DKMG ah ugu danbeyna waa la horgeeyay su’aashaasi wuxuuna kaga jawaabay sidii qof neef badan soo tuuraya isagoo leh ‘Marki horeba way inoo mideysnaayeen”.

Haddii aaney DKMG ah hadal badan ka bixin arrinkasi xittaa dhexdeeda ayuu guux ku reebay iyadoona maleeshiyadeeda xittaa aysan si fudud isaga mareyneyn akhbaartaasi xoogga leh ee sheegeysa isu tagga dhinacyo xoog iyo mug ku leh siyaasadda dalka Somaliya haddiiba iyagu aysan aheyn kuwa siyaasadda hagaya.

AMISOM iyagu wali jawaab warbaahineed lagama hayo balse hubaal weeye in ay khabarkaasi sadarka iyo sadarka hoostiisaba ka aqristeen oo ay qaateen risaalada ku jirta, balse uma maleynayo in la sheego in ay mudan tahay qar iska xoorka iyo is-soo mutaxidda Qubuura Galeenka ay kaga hadleen Midnimada Baydhabo iyada oo asyaaddooda iyo madaxdooda lala khidaabayo edab xumo iyo anshax la’aan ayay ku tahay in ay af labadii yeeraan oo caruur aabahood majaalis lagu jeydalayo ay oohin iyo laxan isku jajabiso, xittaa ka soke in shanqartaasi dadku maqlayaan oo dhibsanayaan haddana waxay ceeb ku tahay xittaa madaxdooda.

Warbaahinta ayaan ka maqalnay in ninka ku hadla magacooda uu kaso horjeestay midnimada Baydhabo Jannaay! uma taallo kuwaasi howl ka adag ilaalinta waddooyinka soo gala Guriceel ee ka yimaada Goonla goolle iyo Dhagax Yaalle iyo jidka soo gala Dhuusamareeb ee wali raadkii lasoo maray uu ku yaallo, culeys intaasi ka badan dhabar jab buu ku yahay, qof u dhimrinayana uma dirsado iyagana maahan in ay isku dhibaan.

Riyaaqii Shacabka

Laga yaabee shacabka Jubbooyinka in ay ahaayeen kuwii ugu badnaa ee u riyaaqay midnimadaasi, Idaacadda Islaamiga ah ee Al-andalus oo Kismaayo ka hadasha ayaa qabatay barnaamij ay ku eegeysay so dhaweynta shacabka, waxaana dadki ugu badnaa ay salaan u dirayeen madaxdi Baydhabo ku kulantay iyagoona ku hanbalyeynayay midnimadaasi qiimaha leh ee ay gaareen.

Qaar kamid ah shacabka waxay aad ugu riyaaqsanaayeen Hogaamiye Sheekh Xasan Turki oo in badan akhbaartiisa aaney maqal, isaga oo ahaa qof xanuusan, balse xanuunkiisaasi iyo da’da uu yahay aaney ka reebin wali in uu safka Mujaahidiinta isku sii xirxiro isla markaana midnimadooda uu ka shaqeeyo.

Shucuubta ku nool Wilaayaatka Islaamiga ah ee Banaadir, Sh/Dhexe iyo Bay iyo Bakool ayaa iyana eray ku lahaa soo dhaweynta midnimadaasi waxaana badankooda shacabka taageersan xoogaga Islaamiga ah sida guud dhexdooda ka guuxayay ”maxaa midnimadaasi Xisbul Islaam dhan ay u noqon weysay”, arrinkaasina waa yididiilo lagu wada taamayo in la helo maalinta dhagaheenu maqli doonaan Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab oo ku midoobay sidaas iyo sidaasi, arrinkaasina waa xaq aan ka sugeyno madaxda Islaamiyiinta in ay xaqiijiyeen oo cadowguudana kaga nixiyaan.

One Response

  1. As ck w dhaman musliminta mel aadjogtanb adunka salan kadib walalayal midnimada madaxda wan hambalyeynaya wana gul usohoyatay mujahidinta dhaman waxana uisticmalay erayga mujgahidinta waxan arkay dadbadan oo muslin sheganaya dukanaya odidan jihadka iyo in muslimintu quwaystan magaranyo waxa ay kahelayan ducfi ahanshaha musliminta wahan leyahay kuwas imanka alah haukamilo imankodo hadi ay munafaqinyahin alah hanahijabo dhibkoda intas kadib wahan kocodsanaya madahda mujahodinta in an lagu kobin badi gobka madah kaliya ee la radsho sha.ab wahtarleh labararujiyo wan ogayn sidi unotageray sha.abku malintan kobnayn ee an ladhagalamaymay ashado ladirki kadib amharadi iyo ridadi lasocotay hadana inbadan banatagersan e an badsano tagerada mahayelay dadki naftoda malkoda uhuray uganahajiray hasaskoda ilmahoda qarabadoda guryahoda iyo dhankasta o nolal adunyo tahay ba waxalaga dhadhiciyey waa khawarij wafulan mahayelay shacabku waha ay kutagen din afka kaliya ah oo an lagu dhaganayn iyo mashruca habalaha kuwa cabuda ee wa inlasameya khuburo kuxeldher dinta iyo madiga aftahana ah oo qabilsan wax ushegida dadwaynaha garanaysana cudurka haya bulshada qarked wana inlo dhimriya shacabka lona jilcanada waxan ujeeda malin ayan waxan arkay wilyar o hoyadi cananayso o ayledahay waxan kuganaya alshabab qorta hakagoyene asna u onayo marka yana noqon dad ciyalka lagu xuxiyo allah haqa hana wafajiyo wanagulaysana yan mujahidinta iyo macoduba bi idnilaahi karim

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: