Barre Cali Barre oo in la weeraray sheegay iyo shakki weyn oo soo baxaya( Xog ku aadan dhacdadaasi).

 

Afhayeenkii hore ee Mucaskarka Kaambooni ee la midoobay Shabaabul Mujaahidiin Barre Cali Barre ayaa sheegay xalay weerar in lagu soo qaaday oo bambaano lagu beegsaday, iyadoona shakki bada laga muujinayo waxa dhacay iyo qaabkii ay dhaceen.

Dhacdadaasi ayaa la xaqiijiyay in ay ka dhacday Iskuulka qashinka ee daafaha Suuqa Bakaaraha, waxaana sida ay sheegeen dad deegaanka ah ay malqeen wax qarax u muuqday oo mar qura yeeray kaasi oo ku aadanaa iskuulka.

Nin kamid ah dadka Suuqa Bakaaraha oo maqlay qaraxa ayaa tilmaamay in aysan u maleyneyn waxaasi weerar in ay ahaayeen isla markaana hadduu weerar ahaan lahaa rasaas ay ka danbeyn laheyd, maadaama dadka la weeraray ay qasab tahay inay jawaabaan.

Barre Cali Barre waxaa uu xalay ka sheegay Idaacadaha Muqdisho in isaga lasoo weeraray balse maanu sheegin jawaabta ay sameeyeen, waxaana daqiiqado kooban kadib gaari Rooneed ah oo la sheegay in ay la socdeen xubno isaga uu ku jiray ay gaareen goobtii qaraxa ka dhawaaqay.

Barre wuxuu degan yahay nawaaxiga Iskuulka jajabka ee qashinka waana halka dhawaqu ka yeeray, iyadoona uu u dhigay weerar isaga lagu soo qaaday taasi oo hadii ay sax tahay ka dhigeysan Islaamiyinta isku garabka ah shakki in la kala dhex galinayo, waxaana dad badan ay tuhmayaan Hadalka Barre Cali iyo sida wax u dhaceen.

Shaqsiyaad xiriiro la sameeyay isaga ayaan kasoo xiganay in gurigiisa markii uu tagayay uu ka shakiyay dhalinyaro meelo taagtaagneyd kadib markii uu xooga joogayna uu qaraxa maqlay isaga iyo ciidamada la joogayna ay ahaayeen dadkii ugu horeeyay ee falkaasi kusoo baxay, mana jirin xitaa rasaas ay rideen.

Dad badan oo taageersan Islaamiyinta ayaan jecleysan dhacdooyinka caynkaasi oo kale ah oo laga yaabo dad Islaamiyinta ku jira xittaa in ay ujeedooyin kale iyagoo ka leh ay sameynayaan, amaba uu jiri karo dhinac 3aad oo damaciisu yahay fitno in uu ka dhex abuuro xoogaga Islaamiga ah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: