Maleeshiyadii Xadka Kenya la dhigay oo dhaq dhaqaaq billowday iyo xukuumadda Kenya oo ra’yul caamka marin habaabineysa.

 

Saraakiil katirsan Xukuumadda Kenya ayaa shalay kasii daayay warbaahinta dalkaasi hadallo ay ku marin habaabinayaan ra’yul Caamka iyagoona sheegay in ay xuduudka Somaliya ciidamo badan soo dhigeen si ay u qariyaan Maleeshiyada Somalida ah ee dhaqaaqa ka bilowday xadkaasi kuna soo wajahan dagaal ay kusoo qaadaan Wilaayada Islaamiga ah ee Jubbooyinka. 

Qalabyada Warbaahinta dalka iyo dibadda aya baahinaya hadallo ay saraakiil Keyan ah ku sheegayeen xuduudkooda in ay adkeeynayaan si ay kaga hortagaan waxa ay ugu yeereen firxadka Islaamiyiinta dalkooda in uu soo galo marka ay DKMG ah dhawaa qaaddo dagaallada u qorsheysan.

Hayeeshe warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in lagu qarinayo arrinkaasi dhaq dhaqaaqa 2500 maleeshiyada lagu sheegay ee ku sugan xadka kuwaasi oo qeyb ka ah mashruuc shirqool si aad ah lo soo diyaariyay oo la doonayo in lagu soo qaado Wilaayada Islaamiga ah ee Jubbooyinka.

Xukuumadda Kenya ayaa si toos ah dagaalka Somaliya ugu lug leh iyadoona dalkeeda hadda tababarka loogu soo afjaray maleeshiyaadkasi, hayeeshee xoogaga Islaamiga ah ayaa dhankooda arrimahaasi si daqiiq ah ula socda waxaana ay ku jiraan diyaar garow xoogan.

Wararka laga helayo gobolka W/Bari Kenya iyo xadka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in shalay maleeshiyada Somalida ah ay billowday dhaq dhaqaaq laakin lama sheegi karaayo haddii ay dhulka Somaliya soo galeen, balse waxaa heegan buuxa ku jira Ciidamada Wilaayaadka Islaamiga ah ee Jubbooyinka iyo Gedo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: