Daahir Max’uud Geelle oo tilmaamay Jihaadka Caalamiga ah in uu yahay mushkiladda kaliya ee Adduunka heysata.

Iyadoo Jihaadka wadada Allaah uu kamid yahay fariidooyinka Shareecada Islaamka ayaa Daahir Max’uud Geelle oo ku magacaaban Wasirka Warfaafinta DKMG ah wuxu ku tiriyay Mashaakilka ugu weyn ee Caalamka heysta casrigan in uu yahay waxa uu ugu yeeray ”Jihaadka Caalamiga ah” ee lagu dhibaateynayo sida uu hadalka u dhigay dawladaha Caalamka.

 Wareysi dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyay wargeyska Asharqal Awsat ayaa Wasiirka Calmaaniga ah wuxuu sheegay Somaliya in lugaha ay la gashay halis aan khatar ka danbeyn taasi oo uu ku sheegay ”Afkaarta Mujaaidiinta Al-Shabaab” ee ku wajahan in aaney Somaliya iyo wadaniyad aaminsaneyn oo ay doonayaan in dhulka Somaliya ay ka dhigtaan bar ay kaga duulaan dalalka Caalamka.

”Xaalku hadda sidii hore wuu ka duwan yahay, waxaanu galnay ajndooyin Caalami ah waxaanu hortaaganahay Xaqiiq cusub oo wadaag u ah dhinacyo Caalami ah oo badan taasi oo ah Qadiyada Jihaadka Caalamiga ah ama Ururka Al-Qaacidda, waana (qadiyadaasi) dagaalka loogala soo horjeedo dalalka dhan” sidaasi ayu wareysigiisa ku sheegay Daahir Max’uud Geelle.

Waxaa la weydiiyay mar haddii iyaga iyo Beesha Caalamka ay hal jabhad dagaal kaga wada jiraan oo ay la dagaalamayaan cadowgaasi Jihaadka aamisan ayuu Geelle jeediyay dalabaad badan isagoo leh:

“Waxa la iska rabo waa taageerada DKMG ah ee dhanka Amniga, sax waa jirtaa in tababar iyo xoogaa hub ah la heysto balse si ciidamadaasi ay awood ugu yeeshaan qabashada iyo soo celinta amaanki iyo xasiloonidii waxaan looga maarmeyn in loo helo fangareyn, hubeyn iyo tababar, arrimahasi oo dhanna baahi baan u qabnaa, waxay u baahan yihiin ciidamada Somaliya mushaaraad, hababka Loogistiga, iyo wax waliba ee laga rabo ciidamo Qaran si ay xasilooni u keenaan”.

Daahir Max’uud Geelle ayaa hore u caayay Xijaabka Islaamka isagoona tilmaamay in gabdhaha aan lagu qabsan karin wax aysan Umaddu isku raacin ama Nabi Mux’ed SCW uusan cidna ku qasbin sida uu hadalka u dhigay, waxaana hadaladiisaasi si adag kaga jawaabay Culimaa’udiin kala duwan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: