Wilaayaatka Islaamiga ah oo si isdaba joog ah usoo dhaweynaya midnimadii shalay lagu gaaray magaalada Baydhabo iyo baaqyo ku wajahan Xisbul Islaam in lagu soo daro.

 

Wilaayaatka Islaamiga ah ee dalka Somaliya ayaa si weyn usoo dhaweeyay munaasabaddiin shalay ka dhacday magaalada Baydhabo ee ay ku midoobeen Mucaskarka Kaambooni iyo Shabaabul Mujaahidiin, iyadoona la jeedinayo baaqyo ku aadan midnimada in lagu soo biiriyo Xisbul Islaam. 

Wilaayada Islaamiga ah ee Banaadir ayaa hadal ku aadan arrinkaasi ku sheegtay in war farxad leh ay tahay waxa ka dhacay Baydhabo isla markaana kaliya ay arrintaasi caro iyo ciil galineyso dadka cadowga ku ah Islaamka iyo Mujaahidinta.

Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Banaadir Sheekh Cali Max’ed Xuseen (Abu Jabal) ayaa arrinkaasi isagoo ka hadlay waxaa uu tilmaamay in ay aad usoo dhaweynayaan midnimada la gaaray ee ah sida Ilaahey uu jecel yahay adoomadiisa iyagoo saf mid ah in ay dagaalamaan.

Abu Jabal waxaa uu ku baaqay dhamaan qeybaha kale ee Mujaahidiinta Xisbul Islaam in ay sidaasi oo kale kaga qeybqaataan midnimada si buu yiri cadowga isbiirsanaya loogu wajaho cudud mideysan, waxaana uu Sheekhu tilmaamay mar waliba in ay tahay waxa lagu midoobayo Manhajkii Rasuulka iyo dalkan in si barax la’ looga hirgaliyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Wilaayada Islaamiga ah ee Bay iyo Bakool oo iyadu nasiib u heshay martigalinta munaasabaddaas ay soo xaadireen rug cadaayaasha ugu waaweyn ee Jihaadka Somaliya ayaa tilmaamtay in arrinkaasi uu yahay mid aad loogu riyaaqo oo ka tarjumaya daacadnimada iyo ikhlaaska dhexyaalla Mujaahidinta.

Waaliga Bay iyo Bakool Sheekh Mahad Cumar C/kariim ayaa hadalkiisa ku aadan arrinkaasi waxaa uu ku tilmaamay in khabarkaasi uu yahay mid aad u farxad galinaya quluubta Muslimiinta isla markaana aad u caro galinaya cadowga, isagoona ku baaqay in midnimada ay furan tahay cid waliba oo kamid ah xoogaga Islaamiga ahna diyaar loo yahay.

Wilaayada Islaamiga ah ee Jubbooyinka ayaa iyana kamid aheyd wilaayaatkii sida weyn usoo dhaweeyay arrinkaasi, iyadoona hadal xalay uu siiyay Idaacadda Islamiga ah ee Al-andalus Afhayeenka Wilaayadaasi Sheekh Xasan Yacquub Cali (Abul Cabbaas) uu ugu bishaareeyay shacabka Jubbooyinkii in Mujaahidiintii manhajka wada aaminsaneyd ay ku midowday raayada towxiidka iyo in ay saf mid ah kula dagaalamaan Ciidamada shisheeye iyo kuwa keensaday dalka Somaliya.

Sheekh Abul Cabbaas waxaa uu kashifay in arrinta midnimada ay gaareen Kaambooni iyo Shabaabul Mujaahidiin ay si cad u muujisay wax khilaaf ah inaanu markii hore u dhexeyn isla markaana dagaaladii Jubbooyinka ka dhacay aaney ku lug laheyn wiilasha mucaskarka kheyrka leh ee Kaambooni.

Sidoo kale waxaa laga yaabaa maanta in Wilaayaatka kale ee Islaamiga ah ay hadallo soo dhaweyn ah kaso saaraan midnimadaasi iyadoona mar waliba lagu celinayo in lasii baadi goobo midnimo intaas ka ballaaran oo ay soo wada galaan dhamaan Xoogaga Islaamiga ah, waxaana xusid muda in hore Muqdisho ay shirar xasaasi ah ugu yeesheen Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo wax badan isla meel dhigay waxyaabo kalena ay u harsan yihiin.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: