Ururka IGAD oo ayiday Qubuura Galeenka iyo Tigreeda oo ku guuleysatay meel marinta mashruuca Qubuura Galeenka.

 

Iyadoo hore loo helay macluumaad sheegaya in shir madaxeedka Afrika ay geeyeen Tigreeda mashruuca Qubuura Galeenka sii fashilmaya ayaa hadane go’aano shalay kasoo baxay shir ay qaateen wasiirada arrimaha dibadda IGAD oo isku arkay kulanka Afrika waxay kasoo saareen baaqyo lagu ayidayo Qubuura Galeenka isla markaana DKMG ah lagu adkeynayo wadahadal dhab ah in ay la gasho. 

Hadal qoraal ah oo ay soo saareen kadib shirkooda ayay ku sheegeen IGAD in haddii aaney DKMG ah garab la noqon Qubuura Galeenka ay fashilmi karaan gulufka xoogan ee IGAD ay ku dooneyso in lagu wiiqo awoodda Islaamiyinta Somaliya ee shareecada Islaamka dabaqaya, waxaana DKMG ah wajigabax ay kala kulantay shirkaasi.

Xukuumadda Tigreeda oo iyadu gosha ku heysa Maleeshiyada Qubuura Galeenka isla markaana ku fangareyneya dagaallada gobollada dhexe ayay muuqataa in aaney ku qanacsaneyn hogaanka sare ee DKMG ah oo u muuqda mid gacan bidxeynaya Maleeshiyadaasi manaba kusii jirin jabki dhawaan ku qabsaday magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Taageerada IGAD ay siisay Qubuura Galeenka iyo canaanta DKMG ah ee ku aadan in ay garab istaagaan waxay sii kashifeysaa in dalalka gobolka ay yihiin gacanta ka danbeysa Maleeshiyada isku sheegaya ”Ahlu Sunna” ee Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Xisbul islaam la dagaalamaya, waxaana sii cadaanaya in Kooxahaasi ay noqonayaan waji kale oo kamid ah xulifadii Tigreeda.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: