Axmed Madoobe oo shaaciyay Mucaskarka Kaambooni in uu ka saaray Xasan Turki iyo xubnihii la socday kahor inti aysan la midoobin Al-Shabaab.

 

Axmed Max’ed Islaan (Madoobe) oo horkacaya maleeshiyo deegaan iyo kuwa ONLF ee dagaalka kula jira Wilaayada Islaamiga ah ee Jubbooyinka ayaa weeraray xubnaha ugu cadcad Mucaskarka Kaambooni ee shalay midnimada la gaaray Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, isagoona xusay in mar horeba ay xubnahaasi ka saareen Kaambooni sida uu hadalka u dhigay. 

Sheekh Xasan C/laahi Xirsi Turki oo ahaa aas aasihi Mucaskarkaasi isla markaana ay dhamaan Islaamiyiinta Somaliya u qadariyaan in uu yahay Sheykhul Mujaahidiin ayaa kamid ahaa xubnihii Kaambooni ee midnimada la gaaray Al-Shabaab, waana kuwaasi uu sheegayo Axmed Madoobe in uu ka saaray ururkaasi ayna ka madax banaan yihiin.

Axmed Madoobe oo sheetay meel kamid ah Jubbada Hoose in uu ku dhuumanayo ayaa ku tilmaamay midnimadaasi mid aan waxba soo kordhineyn isla markaana xubnaha midnimada la gaaray Al-Shabaab aaneyn matalin Kaambooni iyo Xisbul Islaam midna.

Inkastoo uusan sheegin halkii ay kaga saareen Kaambooni xubnihi shalay magacyadooda kusoo baxay warqadda midnimada ayuu hadane Axmed Madoobe xusay in Sheekh Xasan Turki wax shaqo ah aanu xilligan heyn oo uu yahay qof xanuunsan cid shaqo uu u hayaana aysan jirin sida uu hadalka u dhigay.

Arrinta midnimada ka dhacday magaalada Baydhabo waxay sii cakirineysa xaaladda Axmed Madoobe iyadoona ay usii cadaatay taageerayaashii Mucaskarka Kaamboni in Madoobe aanu hogaamineyn dagaaliyahankooda balse uu gosha u galay dhinacyo kale oo hubeysan oo ajandayaal fulinaya isaguna uu qandaraas kusoo qaatay xilligii dalka uu kusoo laabanayay.

Si waliba oo ay ahaataba waxaa Mucaskarka Kaambooni midnimadaasi kaga qeybgalay Sheekh Xasan C/llaahi Xirsi (Turki), Sheekh Max’ed Mux’ud Dul-yadeyn, Sheekh Ibraahim Aadan Ibraahim, Sheekh Max’ed Axmed Abu Sacad, iyo Sheekh C/Qaadir C/llaahi, waxaana xubnahaasi ay ahaayeen saraakiishii ugu cad cadeyd Mucaskarka Kaambooni.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: