Abu Jabal “Waxaan aragnay in aan gaalo iyo hey’ado waxba kaga baahneyn, ee aan isku tashano”.

 

Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Banaadir Sheekh Cali Max’ed Xuseen (Abu Jabal) ayaa ugu baaqay shacabka Somaliyeed ee ku dhaqann Wilaayada Banaadir in ay Ilaahey ku xirnaadaan iyagana isku tiirsanaadaan taasi oo keeneysa in aan loo baahan hey’adaha samafalka ajaanibta ah.

Sheekh Cali oo ka hadlayay qorshayaal ay Wilaayada Banaadir ka sameyneyso Muqdisho ayaa sheegay in shacabka Somaliyeed uu wax qabsan karo isla markaana uu yahay mid isku filan, laakin ay reer galbeedka iyo hey’adahooda isku dayeen in ay ka dhigaan shacabka kuwo aa waxba tari karin.

Waaliga Wilaayada Banaadir waxaa uu xusay in mashaariicda horumarinta ah ee laga fuliyay inta badan Wilaayaatka dalka Somaliya ay yihiin kuwo ku yimid wada shaqeynta iyo iskaashada shacabka iyo maamulada Islaamiga ah, iyadoona ay arkeen shacabka in ay wax qabsan karaan.

Hadalka Waaliga Wilaayada Banadir Sheekh Abu Jabal wuxu daba socday mashaariic dayactir waddo iyo Kanaal oo laga sameeyay Sh/Dhexe, iyadoona sidoo kale Wilaayada Banaadir ay waddo mashaariic caynkaasi ah oo lamid ah kuwii hore ay kaga fulisay magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: