Shirka Midowga Afrika oo arrimo amaan awgood looga weeciyay xarunta Golahaasi ee magaalada Adis Ababa.

 

Waxaa aad loo adkeeyay amaanka guud ee magaalada Adis Ababa iyadoona la xiray dhamaan wadooyinka soo gala xarunta uu hadda ka soconayo shirka Midowga Afrika.

iyadoona madasha shirka laga soo weeciyay xaruntii uu lahaa Golaha Midowga Afrika iyadoona lagu qabanayo hadda Xartunta QM ee Adis Ababa.

Ciidamo fara badan oo Sirdoonka Tigreega kamid ah ayaa la dhigay waddooyinka magaalada Adis Ababa, iyadoona dhamaan gaadiidka gaarka ah iyo midka dadweynaha laga mamnuucay in ay maraan wadooyinka soo gala dhismaya shirku ka soconayo.

Sidoo kale waxaa la baarayaa dhamaan wufuudda shirkaasi ka qeybgaleysa marka laga reebo madaxweynayaasha taasi oo aan hore kaga dhicin shirarkii Midowga Afrika, waxaana ay xilligan dareensan yihiin cabsi xoog leh oo kuso wajahan.

Gaadiidka galbinaya madaxda dawladaha ee ka qeybgalaya shirka ayaa loo diiday kaligood inay socdaan iyadoona gaari waliba ay wehlineyso mooto yar oo Sirdoon Tigree saaran yahay si loo sugo amaanka oo looga badbaado weeraro gawaari loo adeegsado.

Taxaddiga amaan ee ugu weyn ee shirkaasi Afrika lagaga baqayo ayaa ah midka ka imaan kara Somaliya oo daris la ah Itoobiya isla markaana ay ku xoogan yihiin Islaamiyiin Shareecada dabaqaya kuwaasi oo reer galbeedku u arkaan in ay yihiin kuwo halis ku ah amaanka Caalamka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: