Sheekh Xasan Turki iyo Sheekh Dul-yadeyn oo Hogaaminaya Mucaskarka Kaambooni oo Baydhabo Midnimo kula gaaray Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab(Aqriso Bayaan).

 

Kadib Munaasabad ballaaran oo maanta ka dhacday magaalada Baydhabo ee Xarunta Wilaayada Islaamiga ah ee Bay iyo Bakool ayna soo xaadireen madax ka kala tirsan Shabaabul Mujaahidin iyo Mucaskarka Kaambooni ayaa looga dhawaaqay in dhinacayda Al-Shabaab iyo Kaambooni ay midnimo buuxda gaareen ayna ku midoobeen 6 qodob.

Munaasabadda waxaa ku sugnaa Sheykhul Mujaahidiin Sheekh Xasan C/llaahi Xirsi (Turki), Sheekh Max’ed Dul-yadeyn, Sheekh Fu’aad Max’ed Khalaf, Waaliga Bay iyo Bakool Sheekh Mahad Cumar C/Kariim iyo madax kale oo kamid ah Al-Shabaab, Sheekh Fu’aad Max’ed Khalaf ayaa munaasabaddaasi ka aqriyay bayaanka lagu midoobay, waana kan bayaankaasi oo Nuqul kamid ah ay heshay shabakadda SomaliMeMo.

 

 

 

 

 

BAYAAN

UJ: HESHIIS MIDNIMO      

Dhinacyada heshiiyey:

 1-    Xarakada Shabaab Almujaahidiin

2-    Mujaahidiinta kaambooni 

 قال تعالى: [يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آَمَنُوا لِمَ تَقُولُونَ مَا لَا تَفْعَلُونَ (2) كَبُرَ مَقْتًا عِنْدَ اللَّهِ أَنْ تَقُولُوا مَا لَا تَفْعَلُونَ (3) إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الَّذِينَ يُقَاتِلُونَ فِي سَبِيلِهِ صَفًّا كَأَنَّهُمْ بُنْيَانٌ مَرْصُوصٌ ] سورة الصف (2-4)

 

 عَنِ الْحَارِثِ الأَشْعَرِيِّ رضي الله عنه ، قَالَ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: ” وَأَنَا آمُرُكُمْ بِخَمْسٍ اللَّهُ أَمَرَنِي بِهِنَّ : الْجَمَاعَةِ ، وَالسَّمْعِ ، وَالطَّاعَةِ ، وَالْهِجْرَةِ ، وَالْجِهَادِ فِي سَبِيلِ اللَّهِ ، فَمَنْ فَارَقَ الْجَمَاعَةَ قَيْدَ شِبْرٍ فَقَدْ خَلَعَ رِبْقَةَ الإِسْلامِ مِنْ عُنُقِهِ إِلا أَنْ يَرْجِعَ ، وَمَنْ دَعَا دَعْوَى الْجَاهِلِيَّةِ فَهُوَ مِنْ جُثَاءِ جَهَنَّمَ ، قَالَ رَجُلٌ : يَا رَسُولَ اللَّهِ وَإِنْ صَامَ وَصَلَّى ؟ قَالَ : ” وَإِنْ صَامَ وَصَلَّى ”  المعجم الكبير للطبراني 3/ 462

      Qodabada heshiiska

 Iyada oo lagu dhaqmaayo aayadaha iyo axaadiithta badan ee ina faraaya midinimada muslimiinta siiba mujaahidiinta, waxaa ay maanta oo jimce ah 13/02/1431 ku heshiiyeen labada urur ee kor ku xusan sidan:

1-     In la mideeyo dhammaan mujaahidiinta labada dhinac.

2-     Raadinta midnimda muslimiinta gaar ahaan mujaahidiinta.

3-     In loo hawl galo dhismaha dawlad islaami ah, oo hirgelisa shareecada.

4-     In loo hiiliyo ummadda muslimka ah, siiba shucuubta muslimiinta ee ku dulman bariga iyo geeska Afrika, kuwaas oo ku hoos jira cagta kooxaha sheegta “kiristaanka”, ee laga tirada badan yahay.

5-     Si loo soo celiyo sharafta muslimiinta ee dhaawacan, quwadooda siyaasadeed, awoodooda dhaqaale, cududooda mileteri waa in la mideeyo muslimiinta geyiga, lana tirtiro colaadda gumaystuhu dhex dhigay.

6-     In laga hortago gulufka saliibiyiinta caalmiga ah, iyo weerarka ay ku soo qaadeen ummadeena muslimiinta ah. Isla markaana jihaadka ka socda geeska Afrika lagu xiro jihaadka caalamiga ah ee uu hogaamiyo urur weynaha Al-qaacida iyo amiirkeeda Sh/ Usaama Bin Ladin.                            

 Saxiixayaasha Dhinacyada

   Mujaahidiinta Kaambooni:                                Xarakada Shabaab AlMujaahidiin:

 Sh/ Xasan C/Allaahi (turki)——————————–  -Sh/ Mukhtaar (Abu zubeyr)

Sh/ Maxamed Muxumed (Dulyadayn) ——————— Sh/ Mukhtaar roobow (abu mansuur)

Sh/ Max’d Axmed (abu sacad) ————————–     Sh/ Fu’aad max’ed khalaf (AbuC/Raxman)

Sh/ Ibraahim Adam Ibraahim —————————–Sh/ C/Raxmaan Axmed Aden (siiro)

Sh/ C/Qaadir Cabdullaahi——————–      —–    -Sh/ Abu Bakar Al-Zaylici 

13صفر1431 29/01/2010

 

 

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: