Shabaabul Mujaahidin oo ka jawaabay sheegashada AMISOM ee duqeyntii Muqdisho iyo Shacabka Somaliyeed oo xujjo la duldhigay.

 

Xarakada Mujaahidinta Al-Shabaab ayaa ka jawaab celisay sheegasho ay bixiyeen Ciidamada AMISOM oo ku aadan duqeyntii arxan darada aheyd ee shalay ay ka geysteen Muqdisho, taasi oo aheyd in ay garaaceen Xarunta Maslaxa ee ay degan yihiin cutubyo kamid ah Ciidamada Al-Shabaab. 

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab oo xalay la hadlay Idaacadda BBC-da qeybteeda Afka Somaliga ayaa tilmaamay wax madaafiic ah in aysan ku dhicin xarunta Maslaxa sida ay sheegteen AMISOM, balse ay si toos ah u bartilmaameedsadeen goobaha shacabka oo maati iyo marras ay ku xasuuqeen.

Sheekh Cali Dheere waxaa uu xujjo dul dhigay dad bada oo Somaliyeed kuwasi oo mar waliba ku eedeyn jiray xoogaga Islaamiga ah weerarada ay qaadaan in ay ka dhashaan duqeymahaasi, laakin shalay oo aaney jirin wax dagaallo ah sidaasi Umadda in loo duqeeyo ay muujineyso cadaawadda gaamurtay ee AMISOM ay shacabka Somaliyeed u hayaan.

Idaacadaha Muqdisho qaarkood ayaa xalay baahinayay intooda badan qeyla dhaanta bulshada iyo catowga ka baxayay maatidi la gumaaday, iyadoona ay dad aad u fara badan shalay garteen duqeymaha AMISOM wax marmarsiimo in aaney laheyn oo ay cadowtooyo tahay.

Inta la ogyahay dad kor u dhaafaya 55 qof ayaa dhaawacyo ku gaaree duqeymaha oo xooggooda ka dhacay degmada Heliwaa, halka tiro ka badan 15 qof la xaqiijiyay in ay ku dhinteen duqeymahasi, mar waliba oo AMISOM la weydiiya duqeymahaasina waxay ku gaabsadaan in aaney geysan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: