Saraakil Mareykan ah oo Sh Shariif warbixin kaga dhageystay madasha shirka Midowga Afrika ee Adis Ababa.

 

Saraakiil sar sare oo Ameerikaan ah isla markaana kamid ah wafdi uu hogaamiyay masuulka Afrika ugu qaabilsan Mareykanka ayaa warbixin ka dhageystay Sh Shariif oo ah madaxweynaha DKMG ah, iyadoona uu halkaasi ku bandhigay qorshe dagaal ee dawladdiisu ay degtay. 

Xubnaha kulanka uu la qaatay Shariif Sh Axmed ayuu warbixin kooban ka siiyay xaaladihii uu Muqdisho kala kulmay mudadii sanadka aheyd ee lasoo dhaafay ee dawladdiisu shaqeyneysay, isagoona ku cataabay inaanu helin gacantii Caalamka ay ka sugayeen.

Ilo wareed ku sugan magaalada Adis Ababa ayaa sheegaya in Masuulka Afrika ugu qaabilsan Mareykanka Johnnie Carson iyo haweeney kale oo Ameerikaan ay warbixin ka dhageysteen Shariif isagoona u sharaxay qorshayaalka DKMG ah ee ku aadan sanadka soo socda oo ay kamid yihiin dawladdu in ay awood iska raadiso oo ay soo ceshato deegaanada Muqdisho.

Madaxda DKMG ah ee kulanka Midowga Afrika ka qeybgalay ayaa kulamo gooni gooni ah la baadi goobaya madaxda kulanka soo xaadirtay si ay gacan uga helaan isla markaana dhaqaalo ugu weydiistaan ajandayaasha xukuumadda.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: