Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo xalay guuxooda lagala hurdi waayay gobollada Galgaguud iyo Hiiraan.

Dadweynaha ku dhaqan deegaanada gobollada Galgaduud iyo Hiiraan ee bartamaha Somaliya ayaa xalay ilaa saaka kusoo toosay guuxa diyaarado loo maleynayo in dawladda Mareykanka ay leedahay kuwaasi oo deegaano kala duwan dul heehaabayay iyagoo mararka qaar soo dhawaanaya.

Dadka ku dhaqan deegaanada dhaca duleedka magaalada Baladweyne oo ay hadda isku horfadhiyaan Ciidamada Al-Shabaab iyo kuwa Xisbul Islaam oo iskaashanaya iyo Maleeshiyada DKMG ah iyo kuwa Qubuura Galeenka oo isku dhan ah ayaa ku waramay xalay baqdin xoogan in ay ku reebeen guuxa diyaaradahaasi oo ay ka baqeen weeraro in ay geystaan.

Saraakiil katirsan Ururka Xisbul Islaam oo ku sugan magaalada Baladweyne ayaa arrinkaasi ku tilmaamay mid Kufriga adduunka uu ku doonayo in uu ku hor istaago guulaha Islaamiyiinta Somaliya, isagoona ku eedeeyay dawladda Mareykanka in ay hogaan u tahay weerarka ka dhanka ah Muslimiinta Caalamka.

Guuxa diyaaradaha duuliye la’aanta ah ee duqeymaha geysta ayay dadka Somalida ah kula dhibanayeen magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda, waxaaan arrinta hadda soo cusboonaatay ay sii adkeyneysaa dagaalka gobollada dhexe in aanu waxba ka duwaneyn kii Xulifada Mareykanka lagula jiray gudaha dalka Somaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: