Cali Dhallaaye oo iska casilay xilkii Madaxa Sirdoonka gobolka Sool, dalbadayna in shacabnimo lagu qadariyo oo aan la dhibaateyn.

 

Warar ay heshay shabakadda SomaliMeMo ayaa sheegaya in Madaxii Sirdoonka Maamulka Gobolka Sool isla markaana aadka uga soo shaqeeyay meelo kale oo kamid ah deegaanada Woqooyi uu shalay iska casilay xilkiisaasi isagoona soo sheegay shacabnimo in loo qadariyo oo aan la dhibaateyn.

Cali Dhallaaye oo kamid ahaa saraakiisha maamulka Woqooyi ee sida aadka ah ugu dhaw dhaw sirdoonka Tigreega ayaa mar qura ka sheegay magaalada Laacsaanood in uu ka baxay howlahaasi isla markaana uu go’aansaday qof shacab ah inuu noqdo sida xogta ay nagu soo gaartay.

Ilo wareed ku sugan magaalada Laascaanood oo xogtan aan kasoo xiganay ayaa ku tilmaamay iscailaadda Dhallaaye mid ka danbeysa amaaka magaalada Laascaanood oo gacantoda ka baxay maalmihii lasoo dhaafay iyadoona ay jireen sidoo kale talooyin ay reerihiisa ku siiyeen in shaqadaasi uu ka baxo.

Cali Dhallaaye wuxuu ahaa muddooyinkii u danbeeyay madaxa sirdoonka Maamulka Sool, iyadoona istiqaaladdiisa ay dhabar jab weyn ku tahay maamulkaasi oo maantaba guddoomiyihii gobolka Sool uu dhaawac halis ah ku noqday qarax ka dhacay magaalada Laascaanood.

Xigasho Somalimemo.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: