Ciidamo katirsan Xisbul Islaam oo dagaalki Cowsweyne ku furtay saanad Milatari oo laga soo diray Muqdisho iyo Al-Shabaab oo waddada ka jaray maleeshiyadaasi.

 

Warar aanu helnay ayaa sheegaya in Ciidamo taabacsan Ururka Xisbul Islaam ay saanad Milatari ku furteen weerar saaka ay ku qaadeen Maleeshiyaad Qubuura Galeenka ay ku diyaarinayeen deegaan lagu magacaabo Cowsweyne oo katirsan degmada xeebta ku dherersan ee Ceeldheer, iyadoona halkaasi dagaal kooban uu ka dhacay. 

Ciidamada Ururka Xisbul Islaam ayaa weerar ku qaaday deegaankaasi markii lasoo gaarsiyay hub laga soo diray magaalada Muqdisho oo lasoo marsiiyay dhanka Badda lagana soo dajiyay Ceeldheer in halkaasi la geeyay laguna hubeynayo maleeshiyaadka Qubuura Galeenka, waxaana dagaalka lagu dilay nin la sheegay in maleeshiyadaasi uu horboodayay.

Ciidamo taabacsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa wadada ka jaray maleeshiyadaasi iyagoona gooyay wadada deegaanka Towfiiq marta ee isku xirta Cowsweyne iyo meelaha kale ee Qubuura Galeenku joogaan, waxaana deegaankaasi muddooyinkii u danbeeyay uu ku jiray go’doonkaasi.

Saaka markii maleeshiyada Qubuura Galeenka laga fara maroojiyay hubkaasi oo ay kala firxadeen ayaa haddana la sheegay in ay isku dhaceen iyaga iyo dad xoolaleey ah, iyadoona maleeshiyada laga sii furtay hubkii qaar ay la baxsadeen.

Xaaladda deegaanka Cowsweyne ayaa lagu soo waramayaa wali xiisad in ay ka taagan tahay isla markaana ay jiraan qaar kamid ah Qubuura Galeenka oo howdka kaga dhuumanaya xoolaleyda deegaanka, halka Ciidamadii Xisbul Islaam ay isaga soo tageen deegaankaasi.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: