AMISOM oo xalay duqeymo madaafiic ah kaga jawaabtay weerarkii xalay looga dilay saraakiisha Caafimaad.

 

Ciidamada Shisheeyaha ee Muqdisho jooga ee loogu yeero AMISOM ayaa galabta si ba’an madaafiic ula dhacay deegaaanda shacabka ee degmooyinka Wardhiigley, Yaaqshid iyo Kaaraan halkaasi oo ay dad kala dhuwan ay wax ku noqdeen iyadoona ay ku aargudanayeen AMISOM weerar xalay lagu qaaday Xalane oo saraakil kaga dhimatay. 

Duqeymaha madaafiicda oo dhacday galabta gabal gaabkii ayay AMISOM si xun ugula beegsadeen deegaanada ku hareereysan Isbartiibada Stadium Muqdisho iyo isgoyska Miisaanka Dhuxusha, waxaana la xaqiijiyay in dad rayid ah ay waxyeello soo gaartay.

Sidoo kale madaafiic ayay la dhaceen AMISOM Xaafadaha degmada Kaaraa ee ku teedsan goobaha difaacyada u ah Xoogaga Islaamiga ah iyadoona warar dheeraad ah ay caawa kasoo baxayaan waxyeelo halkaasi ku gaartay dad aad u fara badan oo rayid ah.

Ciidamada Shisheeyaha AMISOM ee ilaaliya xeryaha DKMG ah ayaa kaga aargudanayay shacabka weerar iyana xasuuqa shacabka looga aargudayay oo xalay ay Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen xarunta Xalane halkaasi oo looga dilay saraakiil caafimaad.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: