Warar nasoo gaaray oo sheegaya Maxaabiis laga qabtay Qubuura Galeenka iyo Guutooyinka Al-Shabaab oo isku fidiyay deegaanadii dagaalka ilaa garoonka Diyaaradaha.

Waxaa wali isi soo taraya macluumaadka laga helayo dagaal goor dhaweyd soo afjarmay oo saaka ay magaalada Baladweyne kusoo qaadeen Maleeshiyada Qubuura Galeenka, iyadoona warar hadda nasoo gaaraya ay sheegayaan in maxaabiis lasoo qabtay lagu hayo gudaha magaalada.

 Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xisbul Islaam oo goor dhaweyd aan la xiriray isagoo jooga magaalada Baladweyne ayaa xaqiijiyay in maxaabiista hadda la hayo ay gaarayaan ilaa 3 isagoona sheegay in ay jiraan kuwa kale oo ciidamadu ay qabteen laakin wali aan taliska Ciidamada loo soo gudbin.

Sarkaalka ayaa sheegay in Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo iyagu ay isku kaashanayaan dagaalka ay isku baahiyeen guud ahaan deegaanadii lagu dagaalamay ee Woqooyi Bari Baladweyne, iyadona ay hadda joogaan Ciidamadaasi Garoonka diyaaradaha Ugaas Khalifa oo ahaa halkii Maleeshiyadu ay kasoo duushay.

Warar aan la isku haleyn karin xaqiiqadooda oo si tuur tuur ah nagu soo gaaray ayaa sheegaya gaari Zuug ah in laga furtay Qubuura Galeenka, waxaana sidoo kale la sheegay in ay la carareen meydadkooda qaar kuwa kalena ay ka carareen.

Sidoo kale mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin oo xiriir aan la sameynay ayaa sheegay wali war fadhiya in aan laga bixin karin xaaladda isla markaana wali ay ku jiraan baadigoobka maleeshiyada iyo soo afjaridda dagaalka isagoona xusay in ciidamadooda si fudud ay u jiireen xaafadihii ay soo galeen Qubuura Galeenka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: