Maleeshiyada Qubuura Galeenka oo goor dhaweyd ku jabay dagaal saaka ay kusoo qaadeen Baladweyne iyo dagaalka oo hadda ka soconaya Janta Kundishe.

War goor dhaweyd aan helnay ayaa xaqiijinaya in laso afajary dagaal saaka magaalada Baladweyne muddo 2 saacadood ka soconayay kadib weerar ay dhanka Xaafadda Nuur Xawaad saaka kusoo qaadeen Maleeshiyaadka Qubuura Galeenka kuwaasi oo ugu danbeyn laga adkaaday iyadoona hadda dagaalku uu sii soconaya Janta Kundishe.

 Ilo wareedyo katirsan Xoogaga Islaamiga ah oo aan la xiriirnay ayaa xaqiijiyay in qorshe dagaal loo degay Maleeshiyaad Qubuura Galeenka gurmad uga yimid Galgaduud kuwaasi oo xalay kusoo dhuuntay garoonka diyaaradaha iyagoona saaka weerar soo qaaday.

Khasaare lixaad leh ayaa dagaalku kusoo gaaray waxaana ay ka carareen meydad fara badan kuwaasi oo aha Maleeshiyadii Gurmadka ku timid sida uu inoo sheegay mid kamid ah saraakiisha Xisbul Islaam.

Dagaalka ayaa hadda kasii soconaya hareeraha Burta Janta Kundishe halkaasi oo ay ku baxsadeen Maleeshiyaadka iyadoona ay sheegeen saraakiisha Ciidamada ee Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam in ay dib ka faa faain doonaa dagaalka.

Mid kamid ah dadka reer Baladweyne oo aan goor dhaweyd taleefanka kula xiriiray ayaa inoo sheegay in magaaladu ay hadda degan tahay isla markaana dagaalka uu ka gudbay banaankeedana la iskula baxay.

Maleeshiyada saaka soo weeratay xaafadaha duleedka magaalada Baladweyne ayaa ahaa kuwo kasoo baxsaday dagaal culus oo shalay gelinkii danbe ka dhacay Ceelgaal, iyadoona maleeshiyadkii dagaalkaasi lagu jabiyay

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: