Xiisad ka oogan xuduudka Wilaayada Islaamiga ah ee Gedo ay la wadaagto Kenya iyo Ciidamada Al-Shabaab iyo kuwa Kenya oo dagaal ku sigtay.

Wararka naga soo gaaraya degmada Balad Xaawo ee taabacsan Wilaayada Islaamiga ah ee Gedo ayaa sheegaya in halkaasi xiisad dagaal ka oogan tahay kadib marki shalay ay soo buuxiyeen Ciidamo badan oo Kenyaati ah taasi oo keentay in heegan buuxa la galiyo Ciidamada Wilaayada oo iyana xuduudka la geeyay.

 Ilo wareedyo ku sugan magaalada Balad Xaawo ayaa sheegaya in saaka ay xaaladdu ka yara degan tahay sidii shalay iyadoona labada dhinac ee Shabaabul Mujaahidiin iyo Ciidanka Kenya ay shalay ku sigteen in ay dagaallamaan kagadaal xadgudub ay damceen Keenyaatigu in ay kusoo sameeyaan dhulka Wilaayada.

Ciidamada Kenya waxay baaritaano kula dhaqaaqeen Somalida ku dhaqan deegaanada ku dherersan xuduudka, waxaana ay aad ugu soo dhawaadaan deegaanka Wilaayada Islaamiga ah ay ka arrimiso taasi oo keentay in halkaasi ciidamo difaac ah la geeyo.

Labada ciidan ayaa la sheegay saaka in ay kasoo kala durgeen goobihi shalay ay isku jirsadeen iyadoona aan la xaqiijin karin warar sheegaya xiriiro ay Kenya soo sameysay oo ku aadan qeyxidda ujeedki Ciidankooda.

Warar madax banaan ayaa tibaaxaya in gaari lagala soo baxsaday dhulka Kenya lala soo aaday dhanka deegaanada Wilaayada Islaamiga ah, hayeeshee arrinkaasi wax tacliiq ah kama aysan bixin Wilaayadu iyadoona sheegtay in marka hore ay difaac ka galeyso xadgudubka ka dhanka ah dhulka Wilaayada.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: