Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa shalay galab maamul cusub u magacawday gobolka Galgaduud ee bartamaha Dalka Soomaaliya.

Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa galabta waxa ay maamul cusub u magacawday  gobolka Galgaduud ee bartamaha Dalka Soomaaliya.

Munaasabad galabta lagu qabtay degmada Ceel Buur ee gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya oo ay ka soo qeybgaleen Mas’uuliyiin katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab, Ugaasyo, Nabadoono, Ganacsato iyo Odayaal dhaqameedyada qaarkood ee ka soo jeeda gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu magacaabay Maamul cusub oo hoostaga Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo uu yeesho gobolka Galgaduud iyadoo sidoo kalana halkaasi lagu magacaabay maamul gaar ah oo ay yeelato degmada Ceelbuur.

 

Sheekh Xuseen Cali Fiidow oo ah Madaxa Siyaasada iyo arimaha gobolada ee Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo Munaasabadaasi ka hadlay ayaa waxa uu ugu horeyntii tiriyay magacyada Mas’uuliyiinta ay u magacaabeen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Wilaayada Islaamiga ah ee ay yeelanayso gobolka Galgaduud.

 

1-     Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Axmed (Kabo ku tukade) Amiirka Wilyaada gobolka Galgaduud.

2-     Sheekh C/kariin Max’ud Xafiiska Dacwada iyo Tacliinta

3-     Sheekh Xasan Yaasiin Geedi ku xigeenka Xafiiska Dacwada

4-     Sheekh Xasan Cali Geedi Xafiiska Xisbada

5-     Sheekh C/qaadir Axmed Samatar Ku xigeenka Xafiiska Xisbada

6-     Sheekh Xuseen Ibraahim Cali Xafiiksa Maaliyada

7-     Sheekh Cimraan bashiir Maxamed Ku xigeenka Xafiiska Maaliyada

8-     Sheekh Daahir Macalin Axmed Xafiiska Garsoorka

 

Sidoo kale Sheekh Xuseen Cali Fiidow Madaxa Siyaasada iyo arimaha gobolada ee Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa intii ay Munaasabadaasi socotay waxa uu markale magacaabay Mas’uuliyiinta iyana loo magacaabay Maamulka Islaamiga ah ee ay yeelanayso degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

 

  1. Gudoomiyaha degmad Ceelbuur Ciise Barre
  2. Ku xigeenka gudoomiyaha Qaliif Qaariye Farey
  3. Xafiiska Dacwada iyo Tacliinta C/qaadir Cali Axmed
  4. Xafiiska Xisbada Injineer Axmed Cabdi
  5. Ku xigeenka Xafiiska Xisbada Jiinow Cali Ibraahim
  6. Xafiiiska Maaliyada C/laahi Abshir Faarax
  7. Ku xigeenka Xafiiska Maaliyada Ciise Salaad Cali
  8. Xafiiska Garsoorka Sheekh Abuubakar Muuse Maxamed

 

Madaxa Siyaasada iyo arimaha gobolada ee Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Sheekh Xuseen Cali Fiidow ayaa intii ay Munaasabadaasi socotay waxa uu kula dardaarmay Mas’uuliyiinta maanta loo magacaabay gobolka Galgaduud iyo degmada Ceelbuur in howshooda ay u gutaan sida ugu haboon isagoona dhinaca kale kula dardaarmay Odayaal Dhaqameedyada iyo Nabadoonadii ka soo qeybgalay Munaasabadaasi in iyana ay la shaqeeyaan Maamulka islamarkaana ay ka saxaan wixii qaladaad ah oo ay arkaan.

 

Maamulka cusub ee maanta Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay u sameeyeen gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli gobolkaasi uu kamid noqday gobolada dagaalada ugu culus ay ka dhaceen xiliyadii ugu dambeeyay iyadoona meelo kamid ah goboladaasi ay hada isku horfadhiyaan Ciidamo kala duwan, waxaana sidoo kale arintani ay ku soo beegmaysaa maalin kadib markii dowladda KMG Soomaaliya ay iyana maamul u magacowday gobolka Sh/dhexe oo gacanta ugu jira Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: