Wilayada Gobolka Sh.Hoose oo soo saaray Amaro ku aadan Iskuuladda

Maamulka Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin ee Gobolka Shabeelladda Hoose ayaa soo saaray Amaro ku aadan Iskuuladda Waxbarashadda ee ku yaala Gobolkaasi, oo ah in Raayadda Toowxiidka laga taago Iskuulka sidoo kalana la kala saaro Gabdhaha iyo Wiilasha iyo arimo kale. 

 

Madaxa Dacwadda iyo Tacliinta ee Gobolkaasi Sheekh Abuu Muscab Xasan oo ka hadlayay Dooro Shalay Galab loogu soo gabo gabeeyay Magaaladda Marka Macallimiinta iyo Maamulayaasha ka shaqeeya Iskuulaadka ku yaala Magaalada Marka ayaa sheegay inay Mamnuuceen Dhamaan Shacaa’irta Gaaladda ee ay Wadankeena keeneen Hay’adaha Tansiirka.

Abuu Muscab wuxuu sheegay inay Haboontahay si loo muujiyo Shacaa’irta Islaamka in Raayadda Towxiidka laga taago Iskuulada, sidoo kalana la kal saaro Wiilasha iyo Gabdhaha.

Gabdhaha ayuu sheegay in loo Baahanyahay inay Qaataan Xijaabka adag ee Waasaca ah isla markaana ay Qoobka ka hoos mariyaan.

Dhanka wiilasha ayuu sheegay inay Haboontahay inay ilaaliyaan Sarwaaladooda isla markaana aysan Noqon kuwo u labisan sida Gaaladda.

Amaradan ayuu sheegay Abuu Muscab inay Dhaqan galintooda Bilaabanayso 01/02/2009, waxayna arintani imaanaysaa xili uu Maamulkaasi horey uga Badalay Iskuulada Qaar magacyadoodii una bixiyay Magacyadii Saxaabadii Nabigeena SCW.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: