Odayaal dhaqameed gaarsiiyay Maleeshiyada Qubuura Galeenka in Guriceel ay go’doon ka tahay 3 jiho, weerarna uu kusoo socdo.

Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka degmada Guricee ee dhawaan xiriirka lasoo sameeyay Taliska Cidamada Shabaabul Mujaahidin ee ku sugan deegaanka Warxoolo ayaa gaarsiiyay Maleeshiyada Qubuura Galeenka ee degmada Guriceel in magaalado 3 jiho ay go’doon ka tahay isla markaana dagaal uu kusoo wajahan yahay.

 Odayaasha dhaqanka ayaa ka codsaday Maleeshiyada in ay badbaadiyaan dadka deegaanka isla markaana ay magaalada banaanka kaga baxaan si dibadda ay ugula soo dagaalamaan Ciidamada kusoo jeeda, hayeeshee qaar kamid ah odayaasha ayaa loogu hanjabay dil iyadoona lagu eedeeyay gacan saar in ay la leeyihin dhinacyo ay isku heyb yihiin oo kamid ah Madaxda Al-Shabaab.

Markii Odayaashu ay warkaasi gaarsiiyeen Maleeshiyada iyo dadka waxgaradka ayaa mar qura xaaladdu faraha ka baxday iyadoona ay Maleeshiyadu xalay bandow kusoo rogeen magaalada oo ay mamnuuceen dadka in ay dhaq dhaqaaqaan.

Dhibaatada ugu badan ee ka jirta magaalada Guriceel ayaa heysata dadka safarka ah ee soo mara siina mara magaaladaasi kuwaasi oo la kulma su’aalo kala duwan oo lamid ah kuwii ay Ciidanka Tigreedu dadka weydiin jireen, iyadoona ciddii aan la aqoosan oo dhalinyaro ah ay ku harowsadeen ”Itoobiyaanka dagaalkii lalal galay maka qeybgashay”.

Ilo wareedyo kamid ah Taliska Ciidanka Al-Shabaab Al-Mujaahidin ee Warxoolo ayaa diiday in la sheego qaabka ay go’doonka ugu jirto magaalada Guriceel balse waxay ku gaabsadeen in qorshe dagaal oo ka dhan ah magaalada la degay isla markaana uu hirgalay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: