Ciidamadii ka baxay Baladweyne ee Shabaabul Mujaahidin iyo Xisbul Islaam oo xalay dhagaha u laabay Haraadigii Maleeshiyada Qubuura Galeenka.

Warar saaka nasoo gaaraya ayaa sheegaya in xalay waqti danbe dagaal qorsheysan ay ku qaadeen xoogaga Islaamiga ah ee isagarabsanaya deegaan ku dhaw Ceelgaal halkaasi oo la sheegay in ay ku hakadeen maleeshiyaadka Qubuura Galeenka ee laga soo eryay magaalada Baladweyne.

 Sheekh Daa’uud Faarax oo ah masuulka dhanka Amniga maamulka Islaamiga ah ee gobolka ee Xisbul Islaam ayaa xaqiijiyay in cagta la mariyay haraadiga maleeshiyaadka waxaana uu tilmaamay in ay kasi carareen halkaasi iyagoo sii galaya deegaanada gosha u ah Tigreeda.

Dagaalka ayaa waxaa uu billowday kagadaal markii la dul dagay Maleeshiyada xilli ay wadeen diyaar garow, waxaana dharbaaxadda hadda ku gaatay dagaalkii xalay ay keentay in firxadka maleeshiyadooda ay gaaraan deegaano ku dhaw Kalabayrka halkaasi oo iyana ay kusii hakaddeen Maleeshiyadi Dabageed.

Ciidamada Xisbul Islaam iyo kuwa Shabaabul Mujaahidiin ayaa isku kaashanaya la dagaalanka Maleeshiyada Qubuura Galeenka oo iyana iskaashi kala dhexeeyo DKMG ah iyo tan Tigreeda, waxaana la sheegayaa in ay dhici karto dagaallada Hiiraan in ay kusii baahaan xuduudka uu la wadaago Itoobiya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: