Faah faahin buuxda oo ku aadan dagaalkii Baladweyne, Halka la kala joogo, khidadii dagaalka iyo hub laga soo fagayo Hotel Hiiraan ee Baladweyne.

Warar dheeraad ah ayaa naga soo gaaraya dagaal saaka si qorsheysan ay dib magaalada Baladweyne ugula wareegeen Ciidamada Xisbul Islaam iyo kuwa Shabaabul Mujaahidiin oo iskaashanaya, iyadoona firxadkii Maleeshiyaadka Dabageed ay labada dhinac iyagoo u kala jabay ay kala gaareen deegaanada Afar Irdood iyo Kalabayrka, halka magaalada gudahiidana ay hadda ka soconayaan howlgallo ballaaran.

 Saraakiil kala duwan oo kamid ah kuwii dagaalka saaka qaaday ayaan goor dhaweyd qadka taleefanka kula xiriirnay waxaana ay sheegeen in xoogaga Islaamiga ah ay hadda ciidankoodu joogaan deegaanka Ceelgaal kadib markii ay dabagaleen firxadkii Maleeshiyada Dabageed, kuwaasi oo qeyb ay ku baxsadeen deegaanka Afar Irdood oo 5 km qiyaastii woqooyi ka xiga magaalada Baladweyne iyo wadada aadda dhanka deegaanka Kalabayrka.

Dagaalka oo si qorsheysan ay u galeen Shabaabul Mujaahidin iyo Xisbul Islaa ayaa markii hore kasoo billowday agagaarihii salaaddii Subax deegaan lagu magacaabo Baardheere oo duleedka magaalada ku yaalla halkaas oo ku dherersan wadada laamiga ah ee Janta Kundishe kasoo gasha Baladweyne.

Dagaalka aaggaasi oo si wadajir ah ay iskula socdeen Ciidamada Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam ayay xoog kusoo dardaree maleeshiyaadki Dabageed kuwaasi oo gudaha magaalada marki ay usoo ruqaansadeena gudaha magaalada gaar ahaan Buundada Liiq liiqato ay dagaal kasoo qaadeen Ciidamada Al-Shabaab halka kuwii Xisbigun ay kasoo galeen dhanka Buundooyinka, waxaana si fudud lagaga eryay maleeshiyadii guud ahaan Baladweyne.

Xaaladda magaalada ayaa haatan ah mid degan waxaana Ciidamo gaar ah oo magaalada soo galay ay howlgallo ka wadaan goobihii ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka Dabageed, iyadoona warar aa ku helnay Hotellada Madiina iyo Hiiraan ee bartanka magaalada ku yaalla hub in laga soo helay oo ay kaga carareen Maleeshiyaadkii Yuusuf Dabageed.

Khasaaraha ugu xoogan ayaa Maleeshiyaadka ku gaaray dagaalkii duleedka magaalada ka dhacay, waxaana markii gudaha magaalada lagu helay ay ku dhaqaaqeen tallaabo lamid ah tii ay ku baxsan jireen Ciidamada Tigreega markii ay xaaladdu ku adkaato iyagoona sameeyay in ay gaadiidkii dadweynaha meel waliba dadka ka dajistaan oo ay ku baxsadaan, iyagoona qaatay gaadiid u bada Homey oo magaalada ka shaqeynayay.

Warar ayaa sheegaya in horjoogayaashii Maleeshiyaadka ay xalay saqdii dhexe ka baxeen gudaha magaalada markii ay ka warheleen dhawaan Ciidamadii Islaamiyiinta ee kusoo ququlayay Hiiraan, iyadoona la sheegayo qaarkood horjoogayaasha inay ku sugan yihiin deegaanka Feer Feer.

Lama sheegi karaayo haddii ay isku soo dayayaan in ay dib magaalada ugu soo rogaal celiyaan, inkastoo la sheegayo in ay jiraan dhaq dhaqaaqyo ay bilaabeen Ciidamada Tigreega ee ku sugan deegaanka Feer Feer kuwaasi oo iyagu masuul ka ahaa howsha Maleeshiyaadka, abaabulayayna fikirka dagaalkooda.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: