Jabuuti Iyo Faransiiska Oo Ku Heshiiyay La Dagaalanka Mujaahidiinta Iyo Shacabka Ka Difaacaayo Tuugada Reer galbeedka

Hogaamiyaha Gumeysiga U Adeega Ee Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Xalay Ku Qaabilay Djibouti Saliibiga Faransiiska Nicolas Sarkozy, Waxayna Kulankooda Kaga Wada Hadleen Xaaladda Gobolka Geeska Afrika, Gaar ahaan La Dagaallanka Islaamka Balse ay u Dhigeen La Dagaalanka Waxa Loogu Yeeray Argagixisadda Iyo Dhalinyarada Isku Xilqaantay Inay Shacabkooda Ka Difaacaan Gaalada Isbahaystay Ee Badeena kheyraadka Ka Buuxa Dhaca Ku Haaya.

Labada Dhinac Waxay Kaloo Ka Wada Hadleen Xiriirka Dheer Ee Gumeysiga ay Ciidanka Saliibiyiinta Faransiiska ay Ku Joogaan Wadanka Jabuuti.

Bayaan Ka Soo Baxay Madaxtooyada Faransiiska Arbacadii ayaa Lagu Sheegay In Saliibiga Faransiiska Nicolas Sarkozy Iyo Dabadhilifkiisa Ismaaciil Cumar Geele ay ka Wada Hadleen Kuna Heshiiyeen Mashruuc Cusub Oo ah ay Kula Dagaalamaan Mujaahidiinta.

Bayaanka ayaa Sidoo Kale Lagu Yiri Arintu Waxay La Xiriirtaa “Dhowr Qodob Oo Salka Ku Haya Gumeysiga Dheer Ee U Dhaxeeya Faransiiska Iyo Djibouti Gaar ahaan Mashruuca Heshiiska Cusub Ee Iskaashiga Difaaca, Kaas Oo ay Qasab Tahay In Lagu Badalo Heshiiskii 1977 ay Labada Wadan Kala Saxiixdeen”.

Waxaa Lagu Xusay Bayaanka “Sarkozy Wuxuu Cusboonaysiiyay Oo Adkeeyay Inay Faransiiska Hayso Hogaanka Iyo Amaanka Djibouti.

Bayaanka ayaa Sidoo Kale Lagu Xusay “Labada Mujrimiin Waxay Isla Lafa Gureen Sidii Loo Taageeri Lahaa Xukuumadda Ridada Ee Shariifka Hogaanka U Haayo ah Ee Soomaaliya Iyo Ka Hortaga Dhalinyarada Difaacaysa Tuugada Maraakiibta Saliibiyiinta Ee Dhaca Ku Haayo Kheyraadka Badeena, Sidoo Kalena In La Taageero Xukuumadda Ridada EeYemen Ee Dagaalka Kula Jirta Muslimiinta.

Sarkozy ayaa Sheegay In Dowladdiisu ay Taageersantahay Go’aankii  Gaalada Midowdey QM Ee Cunaqabateynta Lagu Soo Rogay Waddanka Deriska La ah Djibouti Ee Eritrea.

Geelle Iyo Sarkozy ayaa Bishii December Sanadkii 2007 Kulan Ku Yeeshay Magaalada Paris Ka Dib Markii La Doortay Sarkozy.

Djibouti Oo Uu Si Dadban Iyo Si aan Dadbaneenba U Gumeysto Faransiiska Isla Markaana Uu Ka Wado Anshax Xumo Isugu Jira Xagga Diinta, Luuqadda Iyo Jinsiyada ayaa Waxa Kale Oo Uu Ku Leeyahay Saldhiga Ugu Weyn Ee Faransiisku Ku Leeyahay Dibada, Waxaana Saldhigaasi Ku Sugan Ciidan Ka Badan 3000 Kun Oo Askari.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: