Tuulada Warxoolo oo degan iyo Meydadkii Suufiyada oo kuwa la duugay kuwa kalena howdka laga raadinayo( Daawo Sawirada).

 
 
Dadka deegaanka Warxoolo halkaasi oo galabtii Isniinta ay ku dagaalameen Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin iyo Maleeshiyada Suufiyada Qubuura galeenka ayaa wali ku mashquulsan raadinta iyo aasidda meydadka Maleeshiyaadka lagu dilay dagaalka iyadoona galabta meydad hor leh la helay shalayna kuwa kale la aasay. 

Xaaladda deegaankaasi ayaa degan waxaana odayaasha deegaanka ay sheegeen in ay ka cabsi qabaan meydad kale oo howdadka ku jira maadaama la sheegay in ay jireen dhaawacyo wadada ku dhintay xilligii ay cararayeen Qubuura Galeenka iyo kuwa kale oo la arki waayay. Maalinimadii Talaadada ayaa laga soo uruuriyay aagagaasi meydadka tiro kamid ah Maleeshiyaadka Suufiyada waxaana la isugu keenay si dadkooda ay u helaan Ceelka Warxoolo ee aroorka ay u yimaadaan dadka deegaanadaasi ka ag dhaw.

Dadka deegaanka ayaa iska aasay 11 meyd oo la sheegay in la aqoosan waayay ilaa shalay-na ay soo gaareen iyagoo goobta iska yaallay, waxaana galabta laga helay howdka ku teedsan duleedka tuuladaasi meydad hor leh.

Dagaalka Warxoolo ayaa xooggiisa waxaa ka qeybgalay Maleeshiyaadka burcadda Geela dhacda ee ”Al Baxar” aadkana looga yaqaano Gobolka Galgaduud, waxaana ay hadda kamid yihiin Ciidamada ugu muhimsan ee Xulifada Suufiyada Qubuura Galeenka ee taageerada ka hela Amxaarada.

Daawo Sawirada:-

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: