Is-khaashi Ma Ka Dhaxeeyaa A. Madoobe & Ahlu Sun? (Ra’yi Gaaban)

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. Waraysi Axmed-madoobe siiyey VOA ayaa shaaca ka qaaday colaadda Axmed-madoobe u qabo Mujaahidiinta. Isagu Shabaab buu ku raadgatay . Haddaad hadalka Axmed-madoobe u fiirsato waxaa kaaga soo baxaya labo arrimood: 

  1. Wuxuu yiri: horay baan u sheegay in meel looga soo wadajeesto Shabaabka. Marka wuxuu u arkaa in Alhu Sun ay ka jawaabayaan dalabkiisii hore. Axmed-madoobe wuxuu yiri: cid kasta oo ka soo horjeedda Shabaabka waa soo dhoweynayaa!

 

  1. Ma diidin inuu iskaashi dhexmari karo Ahlu Sun iyo isaga!

 Keliya waxaad mooddaa in Ahlu Sun Wal “Jalaafo” (magacaan anigu baxshay wuxuu ahaa: Ahlu Sun Wal Jabaljaan. Marka kaas walaaluhu mar dambe baxsheen baa igala qurux badan keyga) ka hordhaceen isku-biiridda labada kooxood. Marka Suufiyaddu waa degdegeen oo Axmed-madoobe oo soo socda bay ka hordhaceen waana arrintaas wuxuu isagu sheegayo. Waa ku saxsanyahay Axmed-madoobe inaysan jirin si cad inuu ugu biiray laakiin wuxuu ka sharqamiyey inay dhici karto inay iskaashadaan. Marka muhiimaddu ma ahan inay isku biiraan ama hal magac la baxaan. Sida hadalkiisa ka muuqata waxaa cad inuu diyaar u yahay ciddii ka caawinaysa la-dagaalanka Shabaab, cidday doonto ha ahaato! Taasi waxay ka soo horjeeddaa marka muslimiintu is qabtaan ma kaalmeysan karaan cadowgooda. Mucaawiye (RC) markuu la dagaalayey Amiirul Mu’miniin Cali (RC) wuxuu warqad ka helay Ruum oo leh: Mucaawiyoow (RC) noo ogoloow inaan kaa caawinno oo kaa garabdagaalnno? Mucaawiye (RC) wuu caayey Ruum! Xitaa dhaqanka reer baadiyaha haddii qof qabiilkaaga ah ood rabtay inaad soo dhisho; haddii qabiil kale dilo wey ka xumaan jireen, marmarna wey la dagaali jireen iyagoo leh: maxaa kuu geeyey tuugayaga! Axmed-madoobe arrintii saxaabada (RC) iyo tii Soomaalidaba waa gabay. Ileyn Shabaab waa Muwaxidiin halka Qubuuriyiintu ku dhexjiraan Shirki. Axmed-madoobe oo iska dhigayey inuu iska difaacayo Ahlu Sun oo ku beenabuuratay, hal eray oo gef ah kama sheegin nimankaas qubuuraha gala ee Tigreegu taageerto! Laakiin arrintaas badelkeeda wuxuu caayey Shabaabka!  Haddaba dadweynaha Soomileed, X. Islaam, iyo Ictisaam waa arkaan mowqifka Axmed-madoobe iyo inuu diyaar u yahay xitaa intuu Tigree adeegsado hadday ka caawinayaan la dagaalanka Shabaabka. Marka Shabaabka Ilaahay baa ku ilhaamiyey inay ka saaraan Jubbooyinka. Marka Axmed-madoobe wuxuu maray waddadii aan ka sheegi jirnay ee ahayd: in la soo dirsaday. Marka si cad buu u sheegay in wadashaqayn dhexmari karto Ahlu Sun iyo isaga. Wuxuuna sida Shariif dalbaday cid kasta oo ka caawisa la-dagaalanka Shabaabka. Hadalkiisa niman baa uga horreeyey; waxna kama dheefin. Marka Ahlu Sun iyo A. Madoobe waa jabayaan Insha Allaah si dhaqso ah. Shabaabku qofkay geeska gashaan Ilaahay baa fashiliya. Odayaal-dhaqameedkii, Shariif, iyo Axmed-madoobe waa la arkay halkay ku dambeeyeen. WALLAAHI waxaan rajaynayaa in kuwaan hadda masaajidda ka eedeynayana halkaas mari doonaan oo Ilaah arrintooda caddeynayo haddaysan ka toobad keenin. 

INNAA IDAA NAZALNAA BI SAAXATI QOWMIN FASAA’A SABAAXUL MUNDARIIN

Waxaa Qorey cabdulwaaxid Khaliif

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: