Culimo udhalatey dalka yemen oo dagaal jihaad ah ku baaqey.

Inkabadan boqol caalim oo yamaniyiin ah oo ku xeel dheer diinta islaamka ayaa ku baaqey dagaal jihaad ah hadii ciidamado shisheeye la geeyo gudaha dalka yemen. 

Bayaan ay kasoo saareen magaalada sanca ee xarunta dalka yemen ayaa inkabadan 150 caalim ah oo ku xeel dheer diinta islaamka waxey  iclaamiyeen dagaal jihaad ah in lala galo hadii ciidamo shisheeye ay yimaadaan gudaha dalkaasi waxaana ka mid ah dadkii saxiixey bayaankaasi Dr sheekh c/dul majiid Alzandaani.
Xubin ka tirsan barlamaanka dalka yemen oo lagu magacaabo sheekh Caarif Alsabri ayaa saxafiyiinta hortooda ka akhriyey bayaanka kasoo baxey culimada dalka yemen wuxuuna xusey  inay kasoo horjeedaan ciidamo kasta o o shisheeye oo la keenayo gudaha dhulka yemen isagoo ugu baaqey guud ahaan Urarada iyo Hey’adaha islaamiga ah inay mowqif mideysan ka qaataan hagar daamooyinka lala damacsan yahey shacbiga dalka yemen.
Bayaankan kasoo  baxey culimada dalka yemen ayaa kusoo aadaya xili dowladaha reer galbeedka ay ka digeen in dagaal yahanada shabakadda Alqaacidda ay kusii xoogeystaan gobolada kala duwan ee dalka yemen  iyadoo mareykanka uu horey usheegey in dalkaasi uu udirayo ciidamado tababarayaal ah oo gacan siinaya ciidamada meliteriga dalka yemen.
Xubin ka tirsan golaha Congereska ee dalka mareykanka oo lagu magacaabo Jozef Liberman ayaa isna horey u sheegey in mareykanka ay waajib ku tahey in dabo ku sameeyo dagaal yahanada Alqaacidda ee saldhigyada ku leh gobolada koonfureed ee dalkaasi waana arinta hadda keentey in culimada dalka yemen ay ku baaqaan jihaad ka dhan ah wadamada reer galbeedka hadii ay ciidamo usoo diraan dalka yemen.

xisgasho Radioalfurqaan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: