Xog Muhim ah:Indha Cadde oo noqday masuulka DKMG ah ee ugu dhaw Sirdoonka Mareykanka ee Villa Somaliya ka howlgala.

Ilo wareedyo kamid ah DKMG ah ayaa xaqiijiyay in Yuusuf Max’ed Siyaad Indha Cadde uu noqday masuulka DKMG ah ee ugu dhaw Sirdoonka Mareykanka ee ka shaqeeya Xarunta madaxtooyada Villa Somaliya, iyadoona maalmihii laso dhaafay uu la xirtay xubnahaasi sida ilo wareedkaasi uu sheegay.

Mid kamid ah xubnihii Maxaakimta ahaan jiray ee DKMG ah ku biiray ayaan kasoo xiganay in Shirkadda Ammaanka ee Mareykanka ee Corporate Security Solutions ee hadda ka howlgasha Muqdisho ay si aad ah u aaminsan tahay Indha Cadde oo mar waliba oo xaalad deg deg ah ay timaado ay shir ugu yeeraan, waxaana maalmihii lasoo dhaafay uu isaga daba noqonayay xafiis ay ku leeyihiin sirdoonkaasi gudaha Madaxtooyada iyo gudaha Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

 Yuusuf Indha Cadde ayaa bartamihi bishi hore loo qaaday dalkaasi Jabuuti iyadoo ay soo dalbadeen sirdoonka Mareykanka ee halkaasi jooga, waxaana xubno kamid ah Maxaakimtii ku biirtay DKMG ay sheegeen in Indha Cadde uu tafaasiil ka siiyo sirdoonka howlahodii, sirarkoodii, horjoogayaasha Islaamiyiinta iyo meelihii lagu ganban jiray xilligi Tigreeda.

Wararka qaar ayaa sheegaya hadda in talooyin uu ka dhiibayo qaabka gudaha magaalada Muqdisho loogu beegsan karo madaxda Xarakada Mujaahidinta Al-Shabaab, iyadoona Indha Cadde la sheegay inuu gudbiyay bartilmaameedyo ku yaalla degmooyin kala duwan oo uu sheegay in ay inta badan joogaan madaxda Al-Shabaab Al-Mujaahidiin.

Xubno fara badan oo iyagu xittaa kamid ah DKMG ah ayaan ku qanacsaneyn shaqada uu Indha Cadde la wado shirkaddaasi amaan, taasi oo keeni karta hadhow in su’aalo weydiin loogu soo laabto manaba kusi jirto Mareykanka oo si aad ah u raadinaya wax macluumaad ka siiya xubnaha iyo madaxda Xarakada Al-Shabaab.

Yuusuf Indha Cadde ayaa dhawaan gudbiyay macluumaad uu aad ugu soo jiitay sirdoonka Mareykanka oo ku aadan in dekadda magaalada Kismaayo ay kusoo xiratay dooni hub kasoo rartay dalkaasi Yemen, iyadoona hadalkaasi qudhiisa ay ku qabsadeen xubno masuuliyiin ah oo kamid ah DKMG, waxaana ilaa hadda la ogaan karin heerka uu ku danbeyn doono Indha Cadde iyo haddii uu isu badali doono Wakiil sirdoon.

Xigasho Somalimemo.com 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: